Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, qeybinta Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed iyo qaraarka ku saabsan habraaca Ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo furitaanka kulanka ka maqnaaday fadhiga golaha, isla-markaana yimid xili ay Xildhibaannadu ka doodayeen in talaabo laga qaado Wasiirka, maadama hindise sharciyeedka la keenay uu quseeyay Wasaaradiisa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasiirka mar kale loogu yeeri doono kulanka xiga ee Golaha si su’aalo looga weeydiiyo khadalaadka uu ka galay Golaha Shacabka.