Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka jaray Taallada Axmed Gurey ee ku taal Isgoyska KM4, taasoo dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay.

Maamulka Gobolka Benaadir oo kaashanaya ganacsatada gobolka ayaa ku guuleystay inay uu dib u dhis lagu sameeyo Taallada Axmed Gureey, oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee uu dalku leeyahay.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee gobolka Benaadir Roodo Cabdullaahi Colaad ayaa maamulka Gobolka uga mahadcelisay dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd iyo in dib u habeyn lagu sameeyo goobaha taariikhiga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Cali Fiidow ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay dib u soo nooleynta goobihii taariikhigi ahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay caasimaddu lahayd.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taallada, waxaana uu sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka.

“Taalladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta Degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha, amniga caasimadduna wuu soo hagaagayaa waxaan iminka oo ay saacadda ku dhaw 9:00 pm aan u joognaa inaan xariga ka jarno taallada Axmed Gureey” ayuu yiri guddoomiye Taabid.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa hay’adaha amniga uga mahadceliyay xoojinta Nabadgelyada, maadaama xilli habeen ah ay ku guuleysteen in ay xariga ka jaraan taallada Axmed Gureey.

Previous Post

R/Wasaare Khayre “Waxaan joognaa waqtigii aan u gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad”

Next Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Koonfur Afrika "SAWIRRO"

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In