Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Thaabit oo Qurbo joogta kula dardaarmay dib u dhiska dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Thaabit oo Qurbo joogta kula dardaarmay dib u dhiska dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda ayaa ka qayb galay wajiga 3-aad ee ololaha aragti wadaagga hiigsiga caasimadda oo maamulka gobolka Banaadir soo qabanqaabiyay.

Qurbo joog Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalka dibadiisa ayaa ka qeyb galay wajiga saddexaad ee aragti wadaagga hiigsiga caasimadda, kaasi oo looga arrinsanayay arrimo badan oo ay ka midtahay horumarinta caasimadda iyo doorka ay ka qaadan karaan Qurbo joogto, laguna qabtay xarunta Aqalka Hoose ee Xamar.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026

Qaar ka mid ah qurbo joogta ka qeyb gashay kulanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dadaallada uu maamulka Gobolka ugu jiro hiigsiga caasimadda, waxaana ay shacabka ka codsadeen in si wada jir ah loogu istaago ololaha aragti wadaaga hiigsiga caasimadda.

Madaxdii ka qeybgashay madasha ayaa xusay in bulshada looga baahanyahay inay talo ku yeeshaan qorshaha ay wadaan maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay madasha hiigsiga caasimadda ayaa sheegay in Muqdisho ay ka muuqato yididiilo, loona baahanyahay guud ahaan bulshada inay u istaagto sidii ay talo ugu biirin lahayd qorshaha maamulka uu wado.

“Muqdisho waxaa ka muuqato rajo, waxaa ka muuqato Yididiilo, waxaan rabnaa inaan soo celino dhaqankii ceeshoo milix, hiigsiga aan rabno waa taas, waana gaari doonaa haddii uu Alle idmo, saaxiibada inooga yimid dalka dibadiisa waxaan rabnaa inay door ka qataan arritan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda ayaa waxa uu kula dardaarmay Qurba joogta in ay ka qeyb qaataan dhismaha magalada Muqdisho, madaama ay Muqdisho tahay magaalada Madaxda Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Waa muhiim inaad fahamto ahmiyadda uu calanku leeyahay “Dhageyso”

Next Post
Waa muhiim inaad fahamto ahmiyadda uu calanku leeyahay “Dhageyso”

Waa muhiim inaad fahamto ahmiyadda uu calanku leeyahay "Dhageyso"

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In