Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku amaanay ciidamada amniga dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta Nabad gelyada Caasimadda, isagoo markale shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta ciidanka.

“Runtii ma nagu filna hal bil oo aan qarax dhicin, aragtideenu waxa ay tahay in aan gaarno hadaf ah in sanad iyo labo sano aysan magaalada ka dhicin wax qarax ah, ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka hadlay bishii Ramadan ee aynu ka soo gudubnay inay noqotay tii ugu horeysay ee aan magaalada wax qalaaso ah ka dhicin, isagoo arrimahaasi ku amaanay ciidamada xasilinta caasimadda oo garab ka helaya shacabka Muqdisho.

“Hal qof oo Soomaali ah oo ku dhinta caasimadda waxa ay nagu qabaneysaa murug, waxaana noo qorseysan haddii uu Alle idmo inaan sii labo laabno falalka lidiga ku ah amniga” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax mar uu ka hadlayay muuqaalo been abuur ah oo ay soo saareen maleeshiyaad Al-Shabaab baraha bulshada, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku cabsi geliyaan bulshada, ayaa xusay in taasi ay tahay mid aan u socon doonin.

“Muuqaladan waxa ay ahayd mid ay soo aruurinayeen muddo lix bil ka badan, waxaana ay soo dhigeen xilliga Ramadaanka, mana ahayn mid sax ah, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay beeniyaan qorsheyaasha ay damacsanaayeen Nabad diidka Al-Shabaab.

Guddoomiye Tuulax ayaa xusay in bilaha soo socda ay dar dargelin doonaan howlaha dariseynta si loo xoojiyo Nabadgelyada caasimaada.

“Guulkasta oo aan gaarno waxaa gacan weyn ku leh shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ka shaqeynay inaan isku xirno shacabka iyo maamulada degmooyinka, anaga oo u mareyno hanaanka dariseynta ah oo uu Madaxweynaha dalka noogu furay degmada Waaberi” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir.

Halkan ka dhageyso Wareysi oo dhameystiran

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/06/Wareysi-Guddoomiye-Tuulax-.mp3
Previous Post

Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In