Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yariisoow iyo Taliyayaasha Ciidamada Amniga oo kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yariisoow iyo Taliyayaasha Ciidamada Amniga oo kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Benaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmoonley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiirigalina ciidamada amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada.

“Mudane Guddoomiye waxaa sharaf inoo ah in aad caawa nagu wehliso kormeerkaan hadda meesha aan taaganahay waa deegaanka darmooley waa meesha xamar looga baxo dhanka Balcad, mudane Goddoomiye waxay noo tahay dhiiri galin iyo yadidiilo kormeeradaan joogtada ah aad nagala qayb qaadanayso,taasi oo Ciidanka mooraalkooda kor u qaadeysa”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan oo adag haatanna ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo horimarkeeda iyo xasiloonideeda.

“dhamaan goobihii aan soo marnay ha noqato suuqa Bakaaraha, Cali kamiin Jamhuuriya,suuqa xoolaha  iyo dhamaan isgoyska Warshadda Baastada, waxaan ku soo aragnay Ciidan heegan ah oo diyaar u ah in Amniga ay sugaan ,waxaa kale oo aan soo aragnay shacab diyaar u ah in Ciidamada ay la shaqeeyaan, arimahaasoo oo dhan waa arimo yididiilo iyo dhiira-galin nasiinaya.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Dhanka kale Guddoomiye Yariisoow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loogu guulaysto xaqiijinta Amniga Caasimmadda,taasi oo dan u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Previous Post

Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Heshiiska DP World “DHAGEYSO”

Next Post

Deputy prime minister of Somalia meets India prime minister

Next Post
R/wasaare ku-xgeenka XFS iyo Ra”iisul wasaaraha Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada Dal

Deputy prime minister of Somalia meets India prime minister

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In