Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 23, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in hadda wixii ka danbeeya qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn oo loo sameynayo, taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu maraan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinaynaa wixii maanta ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin lagula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo shacabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa maanta uga qeyb galay Safaaradda Turkiga mashruuc ay hay’adda bisha Cas ee dalkaas agab gargaar ah ku siinaysay 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxuu uga mahadceliyey isgarabtaagga dawladda Turkiga ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In