Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 23, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 23, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in hadda wixii ka danbeeya qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn oo loo sameynayo, taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu maraan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinaynaa wixii maanta ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin lagula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo shacabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa maanta uga qeyb galay Safaaradda Turkiga mashruuc ay hay’adda bisha Cas ee dalkaas agab gargaar ah ku siinaysay 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxuu uga mahadceliyey isgarabtaagga dawladda Turkiga ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In