Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow “Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow “Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12, Abriil 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku joogay dalka Turkiga ayaa soo gaba-gabeeyey, waxana uu sheegay in ujeedka socdaalkaasi ahaa sidii ay dawladda Turkigu gacan uga geysan lahayd soo celinta adeegyadii asaasiga ahaa ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxda Turkiga ay ku soo dhamaadeen si guul ah, dawladda Turkigana kala soo hadlay sidii loo kordhin lahaa caawinaadda iyo mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, isagoo uga mahadnaqay sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xilli aad loogu baahnaa kaalmo caalami ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa, waxaana nooga qabsoomay howllo muhiim u ah horumarka Muqdisho. Waxaan Kulan dheer oo ku qotomay xoojinta xiriirka labada Caasimadood wada yeelanay Duqa Ankara Dr. Mustafa Tuna oo isla qirnay muhiimadda ay leedahay sidii loo cusbooneysiin lahaa mataanaynta labada Caasimadood.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxuu sidoo kale la kulmay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga, Madaxa Wakaaladda Biyaha ee Ankara, Guddoomiyaha Gurmadka iyo musiibooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Shirkadda Alberak ee maamusha Dekadda Muqdisho, waxuna warbixin ka siiyey horumarka Caasimadda iyo kaalinta ay ka geysan karaan dib-u-soo kashabadeeda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxuu hoosta ka xariiqay in taageerada ay dawladda Turkigu ka wado Soomaaliya ay tahay mid aan lasoo koobi karin, isagoo ka dhawaajiyay in ay maalgaliyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada oo tusaale u ah sida uu Turkigu u garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

Next Post

Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee Degmada Yaaqshiid

Next Post
Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee Degmada Yaaqshiid

Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee Degmada Yaaqshiid

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In