Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Labada Guddoomiye ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wafdiga ayaa loo galbiyay Saldhiga Ceel-Jaalle halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, halkaasi oo ay shahaadooyin ku guddoonsiiyeen qaar ka mid ah askarta oo ku muteysatay howlkarnimo.

Intaas kaddib Mas’uuliyiinta ayaa loo gudbiyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada ee Gobolka ku nool.

Booqashada wafdiga labada Guddoomiye ayaa ah mid ay ugu kuur galayeen xaalada Gobolka oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Previous Post

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Next Post

Urur dhallinyaro ah oo u istaagay wacyi gelinta bulshada

Next Post
Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Urur dhallinyaro ah oo u istaagay wacyi gelinta bulshada

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In