Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo xiray shirweynaha Madasha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta (Somali Network Operators Group – SOMNOG) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shir weynahan oo socday laba maalmood, waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha Isgaarsiinta iyo Internet-ka, Jaamacadaha, xirfadleyda Isgaarsiinta iyo Internet-ka, ardeyda iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo saddex maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda City bartamihii bishii Okoobar ee la soo dhaafay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Guddoomiyaha SOMNOG, Eng. C/laahi Biixi Xuseen, ayaa sheegay in shir-weynahan uu ahaa kii labaad ee la qabto, iyadoo ujeeddada shir-weynahan ay tahay sidii maamulayaasha iyo shaqaalaha farsamada ay isku weydaarsan lahaayeen aqoonta iyo waaya-aragnimada si loo horumariyo adeegyada teknoolojiyada ee dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaanka shirka ayaa u mahadceliyay dhallinyaradii soo qaban qaabisay shirweynahan oo isku keenay bahweynta ka shaqeysa Isgaarsiinta iyo Internet-ka. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in sharciga Isgaarsiinta ee dhowaan la ansixiyay uu nidaamin doono suuqa Isgaarsiinta Soomaaliya, hirgelinta sharcigana kaalin weyn laga siinayo xirfadleyda.

“Dalka Soomaaliya wuxuu horumar degdeg ah ku gaari karaa haddii farsamada casriga ah looga faa’iideysto ganacsiga iyo nolosha inteeda kale. Sidaasi darteed, waxaan ku baaqeynaa in ganacsatada iyo waxbarashada ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shirkadaha SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank iyo Jaamacadda City oo suurtogeliyay qabsoomidda shirweynahan, isagoo guddoonsiiyay shahaado-sharaf.

Previous Post

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho kula Kulmay Dad Naafa Ah “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In