Sunday, May 22, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho kula Kulmay Dad Naafa Ah “Sawirro”

November 24, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Related posts

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Previous Post

Emmerson Mnangagwa has been sworn in as Zimbabwe’s president

Next Post

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Next Post
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxa ay howgal ka sameyeen magalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Howlgal ka ayaa...

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb,...

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

May 21, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

May 21, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In