Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo la faray in ay si adag uga hortagaan guryaha waxyeeleeya nadaafadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo la faray in ay si adag uga hortagaan guryaha waxyeeleeya nadaafadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey shirkii Caasimadaha dalalka Islaamka ee uu kaga soo qeyb galay dalka Jabuuti, waxa uuna tilmaamay sida ay madaxdii uu kula kulmay shirkaas u boggaadiyeen dib-u-soo kabashada Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoo uga mahadceliyey soo dhaweynta walaaltinimo, isla markaana ku Casuumay Caasimadda ee dalka Muqdisho.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey mira dhalka qorshaha daadajinta Olalaha Nadaafadda oo si tijaabo ah looga fuliyey degmooyinka Shibis, Hodon iyo Waaberi ee guulaha dhinaca nadaafadda laga soo hooyey, iyadoona la isla qaatay in saddex degmo oo kale la gaarsiiyo qorshahan, si degmooyinka Gobolka Banaadir ay u gaaraan isku filaansho dhanka faya dhawrka ah.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyey bulshada kaalinta ay ka qaadanayaan nadaafadda iyo ilaalinta bilicda Caasimadda, iyadoona Guddoomiyeyaasha degmooyinka la faray in ay si adag uga hortagaan dadka goobaha ganacsiga iyo guryaha deegaanka leh ee waxyeeleeya faya dhawrka iyo naadafadda, isla markaana ganaax adag la dul-dhigo dadka iska leh goobaha aysan nadaafaddoodu hagaagsanayn.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa Jaziiradda Qubrus

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha CXDS oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Saadka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha CXDS oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Saadka “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha CXDS oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Saadka “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In