Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa munaasab casho sharaf ah u sameeyey Xulka Qaran ee da’doodu ka yar tahay 17 ka sano oo guul taariikhi ah ka keenay koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee lagu qabtay dalka Burundi.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxiigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen da’yarta Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee Guddoonka Gobolka Benaadir ay u sameeyeen dhallinyaradaas ay ka tarjumeyso lexjeclada iyo mudnaanta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka warbixiyey dadaalkii iyo garab istaaggii uu u sameeyey Maamulkiisu xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartmaha tan iyo markii ay umba baxaayeen dalkaas Burundi, waxa uuna xaqiijiyey in ay sii dardar gelin doonaan qorshayaasha horumarineed ee la xiriira Cayaaraha, maadama ay qeyb weyn ka tahay arrimaha isu soo dhaweeya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada.

“Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa hadallo dhiiri gelin iyo dardaaran ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta heer Federaal ee ka soo qeyb gashay, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharafta kale ee lagu casumay munaasabadda, iyadoona dhammaan looga mahad celiyey Maamulka Gobolka Benaadir maamuska iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen da’yarta Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In