Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa munaasab casho sharaf ah u sameeyey Xulka Qaran ee da’doodu ka yar tahay 17 ka sano oo guul taariikhi ah ka keenay koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee lagu qabtay dalka Burundi.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxiigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen da’yarta Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee Guddoonka Gobolka Benaadir ay u sameeyeen dhallinyaradaas ay ka tarjumeyso lexjeclada iyo mudnaanta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka warbixiyey dadaalkii iyo garab istaaggii uu u sameeyey Maamulkiisu xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartmaha tan iyo markii ay umba baxaayeen dalkaas Burundi, waxa uuna xaqiijiyey in ay sii dardar gelin doonaan qorshayaasha horumarineed ee la xiriira Cayaaraha, maadama ay qeyb weyn ka tahay arrimaha isu soo dhaweeya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada.

“Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa hadallo dhiiri gelin iyo dardaaran ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta heer Federaal ee ka soo qeyb gashay, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharafta kale ee lagu casumay munaasabadda, iyadoona dhammaan looga mahad celiyey Maamulka Gobolka Benaadir maamuska iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen da’yarta Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In