Gudiyada Difaaca iyo Amniga ee golaha shacabka ayaa maanta kulan looga hadlayay tirada ,tayada iyo sidoo kale Mushaaraadka Ciidanka Xooga Dalka la qaatay Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaanka iyo Taliyaasha Ciidamada Xooga Dalka .
Waxaana kulanka shir guddoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyaha gudiga difaaca ee golaha shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankan intii uu socday looga dooday tayeynta ciidanka xooga dalka iyo xuquuqdooda.
Wasiirka iyo saraakiisha Anagaa maanta u wacanay waxaana ka wada hadalnay sidii ciidamada xooga dalka loo tayeynta lahaa iyo mushaaraadkooda iyo tira koobka guud ee ciidamada sidoo kale waxana la kulmi doonnaa taliyaasha kale ee ciidanka Xooga dalka.
sido kale kulan ayan laqadan doona Taliyaasha ciidamaada wixii aan ka wada hadalnana kal fadhiga guud ee golaha shacaabka ayaan geyn doonaa marka uu furmo .
Gudiga difaaca ee golaha shacabka ayaa wada dar dar gelinta howlaha gudiga horyaala oo ay ka mid yihiin hubinta tirada iyo tayada ciidanka xooga dalka,iyo sido kale daryeelkooda waxayna la kaashanaya Wasaaradda Gaashaandhiga sida uu warbaahinta usheegay Xuseen Carab Ciise oo ka tirsaan Xildhibaanada golaha shacaabka soomaaliya .