Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudiga Wacyi gelinta taakulaynta Ciidanka Qaranka oo la hadlay Soomaalida Ohio (Daawo Sawiradda)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Gudiga Wacyi gelinta taakulaynta Ciidanka Qaranka oo la hadlay Soomaalida Ohio (Daawo Sawiradda)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah gudiga wacyigalinta taakuladda ciidamadda qaranka Soomaaliyeed.
Duuliye Sare Asli Hassan Abade iyo Abdilahi Hosh  oo kamid ah gudiga taakuleynta ciidanka ayaa uga kala yimid goboladda Taxes iyo Minnesota sidii ay Soomaalida Ohio ugala hadli lahaayeen in ay u istaagaan taakulada ciidanka iyo in la soo gaaray xiligii Soomaaliya isku tashan lahayd awooda dhaqaale ee lagu xisaabtamayana ay qurbajoogtu qeyb ka tahay iyada oo la ogyahay in ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Xubnaha ka qeyb qaadanayay barnaamijkan waxaa ka mid ahaa Sheikh Hassan Jami oo isna isla Minnesota uga yimid waxa uuna malintii jimcada boqolaal Soomaali ah kula hadlay Masjidka Ibnutaymiya ee Magaalada Columbus isaga oo gaarsiinayay fariinta la xariirta sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa.
Inkasta oo ay maalin shaqo ahayd hadana waxaa muuqanaysay in dadku ay aad ugu xiiso qabaan in ay helaan dalkooda oo leh awood ciidan oo amaanka iyo xaduudaha suga si ay u yeeshaan dal ay ku aamini karaan Ubadkooda iyo hantidooda.
Sheikh Adan Abdulle oo ka mid ah culumada Columbus ayaa xusay in ay culumu ahaan u taaganyihiin in ay qeyb ka qaataan soo celinta awoodii ciidan iyo caawinta wiilashooda ku shaqeynaya marxaladda adag.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Hassan Ali Omar ayaa dhankiisa farta ku fiiqay in hadii si dhab ah loo wajaho barnaamijka caawinta ciidanka ay qurbajoogtu ku filantahay balse loo bahanyahay in dadka la gaarsiiyo lana helo dad aan ka daalin howshaan.
Safiir Abdikarim Omar oo u soo joogay awoodii ciidanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in baahi walba oo haysa ay isku daydo in ciidamadeeda ay iyadu tababarato kana gudubto in dalal dano kale lehay ciidamo kala nooc ah wax baraan taas oo caqabad ku noqon karta helida ciidan Nadiif ah.
Asli Hassan Abade iyo Abdilahi Hosh oo ah xubno ka tirsan gudiga ayaa u sheegay jaaliyada in ka gudi ahaan shaqadoodu ay tahay in ay dadka gaarsiiyaan Fariinta balse aysan iyagu shuqul ku lahayn wax lacag qabasho ah oo qofkii dhaqaalo bixinayo uu ku shubi karo Akoono loogu talo galay oo Online iyo Xawilaadba leh, balse loo bahanyahay in qof walba is xil saaro oo uu daqiiqado ka mid ah waqtigiisa siiyo sidii uu taakuladda u bixin lahaa.
Waxa uu ahaa barnaamij dadku aad u xiisaynayay waxaana lagu balamay in ay ka howlgalaan guddi lagu magacaabay isla goobta oo reer Ohio sii gaarsiin doona qaabka wax loo bixinayo.
Waa markii ugu horeysay oo ay guddigan yimaadan Ohio waxayna ku wajahan yihiin Goboadda kale ee Mareykanka.
Deeqo Shire (SONNA)
Previous Post

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo tababar usoo gabagabeysay Saraakiil ka tirsan Hay’adda(Daawo Sawiradda).

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In