Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudiga Wacyi gelinta taakulaynta Ciidanka Qaranka oo la hadlay Soomaalida Ohio (Daawo Sawiradda)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Gudiga Wacyi gelinta taakulaynta Ciidanka Qaranka oo la hadlay Soomaalida Ohio (Daawo Sawiradda)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah gudiga wacyigalinta taakuladda ciidamadda qaranka Soomaaliyeed.
Duuliye Sare Asli Hassan Abade iyo Abdilahi Hosh  oo kamid ah gudiga taakuleynta ciidanka ayaa uga kala yimid goboladda Taxes iyo Minnesota sidii ay Soomaalida Ohio ugala hadli lahaayeen in ay u istaagaan taakulada ciidanka iyo in la soo gaaray xiligii Soomaaliya isku tashan lahayd awooda dhaqaale ee lagu xisaabtamayana ay qurbajoogtu qeyb ka tahay iyada oo la ogyahay in ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Xubnaha ka qeyb qaadanayay barnaamijkan waxaa ka mid ahaa Sheikh Hassan Jami oo isna isla Minnesota uga yimid waxa uuna malintii jimcada boqolaal Soomaali ah kula hadlay Masjidka Ibnutaymiya ee Magaalada Columbus isaga oo gaarsiinayay fariinta la xariirta sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa.
Inkasta oo ay maalin shaqo ahayd hadana waxaa muuqanaysay in dadku ay aad ugu xiiso qabaan in ay helaan dalkooda oo leh awood ciidan oo amaanka iyo xaduudaha suga si ay u yeeshaan dal ay ku aamini karaan Ubadkooda iyo hantidooda.
Sheikh Adan Abdulle oo ka mid ah culumada Columbus ayaa xusay in ay culumu ahaan u taaganyihiin in ay qeyb ka qaataan soo celinta awoodii ciidan iyo caawinta wiilashooda ku shaqeynaya marxaladda adag.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Hassan Ali Omar ayaa dhankiisa farta ku fiiqay in hadii si dhab ah loo wajaho barnaamijka caawinta ciidanka ay qurbajoogtu ku filantahay balse loo bahanyahay in dadka la gaarsiiyo lana helo dad aan ka daalin howshaan.
Safiir Abdikarim Omar oo u soo joogay awoodii ciidanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in baahi walba oo haysa ay isku daydo in ciidamadeeda ay iyadu tababarato kana gudubto in dalal dano kale lehay ciidamo kala nooc ah wax baraan taas oo caqabad ku noqon karta helida ciidan Nadiif ah.
Asli Hassan Abade iyo Abdilahi Hosh oo ah xubno ka tirsan gudiga ayaa u sheegay jaaliyada in ka gudi ahaan shaqadoodu ay tahay in ay dadka gaarsiiyaan Fariinta balse aysan iyagu shuqul ku lahayn wax lacag qabasho ah oo qofkii dhaqaalo bixinayo uu ku shubi karo Akoono loogu talo galay oo Online iyo Xawilaadba leh, balse loo bahanyahay in qof walba is xil saaro oo uu daqiiqado ka mid ah waqtigiisa siiyo sidii uu taakuladda u bixin lahaa.
Waxa uu ahaa barnaamij dadku aad u xiisaynayay waxaana lagu balamay in ay ka howlgalaan guddi lagu magacaabay isla goobta oo reer Ohio sii gaarsiin doona qaabka wax loo bixinayo.
Waa markii ugu horeysay oo ay guddigan yimaadan Ohio waxayna ku wajahan yihiin Goboadda kale ee Mareykanka.
Deeqo Shire (SONNA)
Previous Post

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo tababar usoo gabagabeysay Saraakiil ka tirsan Hay’adda(Daawo Sawiradda).

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleeysiinta Dhallinyarada Gobolka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In