Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweynaha ayaa guddoomiye cusub gobolka Banaadir lagu magacaabay, iyadoo xilkii looga qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay wareegto xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyadoo xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Sheekh oo galinka danbe ee maanta shir jara`id ku qabtay Xarunta Wasaarada Aririmaha Gudaha iyo faderaalka ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaaday Gudoomiyahii Gobolka Banaadir, loona magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed.