Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda maalinta Haweenka caalamka oo loo asteeyey 8-Maarso ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka haday doorka ay Haweenka Soomaaliyeed xiligan ku leeyihiin siyaasadda iyo hormarka Dalka.

“Habaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan guud ahaan waxaan leeyahay Hambalyo, Hambalyo,Hambalyo waxaan idiinkugu hambalyeynayaa munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka oo ku beegan maanta, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan idiinkaga sheego inaanan marna la hilmaami karin doorka aad ka qaadateen badbaadinta nolosha ,nabadda iyo hormarka Soomaaliyeed, aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan idiin soo gudbinayaa Hambalyo kal iyo laab ah” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiye Jawaari.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Waxaan doonayaa inaan ku booriyo Haweenka Soomaaliyeed in aad laba jibaartaan dadaalkiinna ku aadan hormarinta ganacsiga,dhaqaallaha,wadaniyadda iyo dhammaan kaalin kasta oo aad u heysaan dadkiinna waayo waa xaqiiq ineysan bulshada Soomaaliyeed ka maarmin dadaalkiinna, waxaan kale oo doonayaa inaan halkaan ka muujiyo kaalinta siyaasadda ay kaga jiraan tusaale Guddiyada Dastuurka, Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Haween ayaa Gudoomiyeyaal u ah, Wasaaradaha Haweenka,Caafimaadka iyo Waxbarashadana Wasiirro ayey ka yihiin Haweenka, dhammaan guddiyada iyo hay’adaha kale ee Dowladdana wey ku jiraan”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Afhayeenka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyey Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku ammaanay dadaalka iyo isbedelka ay muujiyeen labadii sano ee ugu dambeysay,sidoo kalena waxa uu fariin u diray Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo uu ku booriyey iney Dalkooda Hooyo hormarkiisa kusii dadaalaan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Fariinta Gudoomiyaha Baarlamaanka:-


—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dowladda oo soo dhaweysay in Zakiriye laga saaro liiska argagixisada ee ay Mareykanku baadi goobayaan

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In