Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Joogtada Ah U Furay Kulan Howleed Ku Aadan Diyaarinta Qorshayaasha Kalfadhiga 6aad “SAWIRRO+VIDEO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Joogtada Ah U Furay Kulan Howleed Ku Aadan Diyaarinta Qorshayaasha Kalfadhiga 6aad “SAWIRRO+VIDEO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya.

Kulan howleedkan oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa munaasabadda furitaanka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Awepa oo kulan howleedkan fududeeyneysa.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka kulan howleedkan ayaa ugu horeyn tilmaamay in xubnaha guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka laga doonayo iney dib u eegaan Shantii Kalfadhi ee Golaha Shacabka horey u yeeshay waxyaabihii qabsoomay iyo Kalfadhiga 6aad ee soo socda waxyaabaha la doonayo in muhiimad la siiyo isagoo dhanka kalena xusay in Guddiga looga baahan yahay iney xuquuq u dejiyaan mas’uuliyiintii horey xilalka uga degay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddiisa furitaanka ka jeediyey kulan howleedkan lagu dejinayo qorshe howleedka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka ayaa xusay in xubnaha guddiga Joogtada ah ay tahay iney sameeyaan ka baaraan degid la xiriira qorshayaasha hor u tebinta leh Kalfadhiga soo socda ee 6aad waxa uu si gaar ah u tilmaamay hirgelinta guddiyada madaxa bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016ka kuwaasi oo shuruucdooda Baarlamaanku horey u ansixiyey.

Kulan howleedkan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulammo howleedyo,aqoon is weeydaarsiyo iyo aqoon kororsiyo magaalada Kampala uga soconaya guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka taasi oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda bishii August sanadkii 2013.

—DHAMMAAD—
DSC_4674

DSC_4591

DSC_4597

DSC_4598

DSC_4601

DSC_4607

DSC_4609

DSC_4614

DSC_4615

DSC_4617

DSC_4651

DSC_4662

DSC_4668

DSC_4674
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dowladda oo ka hadashay dadkii loo qab qabtay Qaraxii Hotelka SYL

Next Post

Kooxaha Real Madrid iyo FC Porto oo u Soo Baxay Quarter Finalka Champions League-ga ”SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Real Madrid iyo FC Porto oo u Soo Baxay Quarter Finalka Champions League-ga ”SAWIRRO”

Kooxaha Real Madrid iyo FC Porto oo u Soo Baxay Quarter Finalka Champions League-ga ”SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In