Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari lagu guddoon siiyey shahaado sharaf taasi oo ay u soo garteen maamulka iyo howlwadeennada Shabadda Wararka Kulmiye oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan shahaado sharafta lagu guddoon siiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ku sugnaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,wariyeyaal iyo maamulka Shabadda Wararka Kulmiye oo iyagu shahaado sharaftan u soo gartay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Agaasimaha shabakadda wararka Kulmiye Abwaan Cusmaan C/laahi Guure oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka ogolaanshaha uu ka ogolaaday Shahaado Sharaftan waxaana uu tilmaamay in uu ku muteystay maadaama uu mar walba Gudoomiye Jawaari ku hadlo Af Soomaali sax ah oo uusan khudbadihiisa kusoo dhex darin afafka qalaad isaga oo weliba ah mas’uul ku hadla amaba yaqaana luqado badan sida English,Arabic,Italy iyo Norwegian.

Abuukar Axmed Al-Badri oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ay shabakadda Wararka Kulmiye u wakiisheen in shahaado sharaftan uu u goddoon siiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna hadal kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Prof Jawaari uu guddoon siiyo shahaado sharaftan waxaana uu madasha kasoo gudbiyey fariin ku aadaneyd in xarunta Baarlamaanka xiliyada ay shirarku ka socdaan Xildhibaannada qaarkood ka joojiyaan adeegsiga ereyada afafka kale ee qalaad.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Munaasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa uga mahad celiyey maamulka iyo howlwadeennada Radio Kulmiye garashada ay u soo garteen shahaado sharaftan waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha ugu hambalyeeyey maamulka iyo wariyeyaasha Radio Kulmiye sanad guurrada 4aad ee kasoo wareegatay aas aaska Radio Kulmiye.

IMG_0779

IMG_0782

IMG_0784

IMG_0785

IMG_0789

IMG_0799

IMG_0807

IMG_0817

IMG_0824

IMG_0841

Previous Post

RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Next Post

Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray

Next Post
Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray

Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In