Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO+ MUUQAAL”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO+ MUUQAAL”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamullada KMGka ah ee Koonfur Galbeed,Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.

Gebagebadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.
DSC_3737

DSC_3741

DSC_3744

DSC_3747

DSC_3748

DSC_3750

DSC_3752

DSC_3753

DSC_3755

DSC_3757

DSC_3759

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Tababar loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO+MUUQAAL”

Next Post

“DAAWO”Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

"DAAWO"Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In