Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha cusub ee Shangaani oo xilka la waregay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha cusub ee Shangaani oo xilka la waregay

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada  Shangaani  Axmed Xasan Yalaxow oo horey u ahaay gudoomiyihii degmada Kaaran ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho iyadoo munaasada xil wareejinta uu kasoo qeyb galay gudoomiye Kuxigeenka Siyaadda ee Maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye qaar kamid ah Gudoomiyasha Degmooyinka gobalka Banaadir saraakisha hey’adaha amaanka qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Shangaani Saciid Cabdiqaadir Saciid oo munaasada ka hadlay ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono maamulka cusub ee loo soo magacaabay degmada isagoo ugu baaqay shacabka reer Shangaani in ay la shaqeyan gudoomiyaha cusub.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

“Ee waxaan soo dhawey naaya maanta gudoomiyaha Cusub yalaxow ee shacabka degmada shangaani waxaan kula dar daar maaya sey aniga ila shaqeeyen iney yalaxow ula shaqeeyan degma walbo ee qof walbo oo xil haaya maalin ayaa laga qaadaya wax xaq eh waaye qof walbo oo maamul haaya ama madax eh xaq waaye in laga qaado xaqna waxuu ilee yahay in loo maga caabo “

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa Munaasada ka sheegay in uu xoojin doona shaqada adag uu horey usoo qabtay maamulki hore ee degmada shangaani  asigoo sidoo kale kacodsaday bulshada kunool degmada in ay la shaqeeyan.

“Ee sxbkey shaqadi uu soo waday mudadii sanadka aheyd uu soo waday inaan sii siyaadino ma ogiyee inaan hoos u aadono  insha allahu tacaala ilaahey hanagala yaabo ee waan rajeyneynaa inaan horey usii socono horey waxaa loo socon karaa goorme horey loo socon karaa su’aashas waxaa horey loo socon karaa markii lawada shaqeeyo wada shaqeyn dhab ah ee timaado ayaa horey la aadi karaa marka bulshada heer shangaani inaan wada shaqeyno”
Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo warbaahinta lahadlay waxaa uu sheegay in isku shaan dheenta iyo xilka qaadista lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay qeyb ka tahay isbadalka hormarinta degmooyinka Gobalka,,,Cod

“Maamulka Degmooyinka ama ma aragtay gobalka Banaadir oo dhan waa wax ma og tahay isbadali doona wax hada ma aragtay cusubna ma ahan marka ee qofkas taaba inuu ma og tahay sidaas o gaado oo uu ku tala galo in labadali karo uuna shaqeyn karo muhiimada intaas weeye wax xumaan ah majirto wax la nacayna  ma jirto wax hebelaa saas eh ma jirto waa uun maamulka sida lagu yaqaano in ee isbadal uu dhaco tii uuna tan ku timid”

Shalay ayey aheyd markii wareegto ay ku saxiix naayen

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungab iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedraalka ee Dowlada soomaliya isku shaan dheen lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir halka sidoo kale Xilka qaadis lagu sameeyay gudoomiyahii Degmada Shangaani Saciid Cabdiqaadir Saciid iyadoo bari lagu wado in gudoomiyal kale ay xilalka  la kala wareegan.

Previous Post

Xeerilaaliyaha qaranka oo deeq gaarsiiyay ardada aragga la'{SAWIRRO}

Next Post

Hay’ada PAC oo soo bandhigtay adeegyada ay Soomaaliya ka qabato

Next Post
Hay’ada PAC oo soo bandhigtay adeegyada ay Soomaaliya ka qabato

Hay'ada PAC oo soo bandhigtay adeegyada ay Soomaaliya ka qabato

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In