Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Degmada Buula-barde oo codsay in laga taageero sidii Al Shabaab uga guuleysan lahaayeen

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Degmada Buula-barde oo codsay in laga taageero sidii Al Shabaab uga guuleysan lahaayeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmadda Buule-Burde ee Gobalka Hiiraan ayaa faahfaahiyay Xafiis Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay ka hergelisey Degmadaas, kuna tilmaamey tallaabo loo qaadey Ballaarinta adeegadda Dowladda.

Gudoomiyaha Degmada Buula-burde oo la-hadlay Radio Muqdisho Cabdi Daahir Guure waxaa uu tilmaamay in dadka deegaaanka ay dhibaato ku qabeen helida adeegyada Baasaboorka balse hada arrintaas fudutaatay kadib furitaanka Xafiiska.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Waxey Maamulkeena arrintan u tahay farxad maxaa yeelay dadku waxaa ay Baasaboorada u doonin jiriin Degmooyin kale kuwaas oo xitaa suurto gal tahay inay dhibaatooyin la-kulmaan inta ay safarka ku jiraan balse hada arrintaas waan ka baxnay waxaana xafiis adeegyadaas oo dhan bixin doona laga furay Buula-burde” sidaas waxaa yiri Gudoomiye Cabdi Guure.

Dhanka kale waxa uu Gudoomiyihu ka hadlay dagaalo Ciidanka iyo Shacabka Buula-burde oo iskaashanaya kula jiraan Maleeshiyaadka Al Shabaab waxaana uu sheegay in xili kasta dagaal kula jiraan Al Shabaab kuwaas nabada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kasoo horjeeda.

“Waxaan dagaal toos ah kula jirnaa Al Shabaab kuwaas oo damacsan inay hormarka Degmada iyo dadka hoos u dhigaan balse marnaba u ogolaan meyno arrintaas waxaana kala hortageynaa dagaal inaga oo iskaashaneyna”

Gudoomiye Cabdi Daahir Guure waxaa uu ka codsay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay garab siiyaan si-ay uga guuleystaan Al Shabaab, waxaa uu tilmaamay Gudoomiyuhu inay u baahan yihiin garab istaaga Dowladda Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka,Duulista iyo Hawada XFS oo sheegtay inaan diyaaradaha sharuudaha looga baahan yahay u dhammeystirneyn ka shaqo geli karin Garoonka Aadan Cadde

Next Post

Dakhliga Dalka oo la doboolay ilaa iyo 58% (Faallo)

Next Post
Dakhliga Dalka oo la doboolay ilaa iyo 58% (Faallo)

Dakhliga Dalka oo la doboolay ilaa iyo 58% (Faallo)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In