Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dakhliga Dalka oo la doboolay ilaa iyo 58% (Faallo)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dakhliga Dalka oo la doboolay ilaa iyo 58% (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ayaa wadda dadaalo lagu horumarinayo, islmarkaana lagu saxo nidaamka Maamul-maaliyadeedka Dalka Soomaaliya, kaasi oo ugu horreeyo Wasirka Maaliyadda Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, isagoo mar walba ku tilaabsada hab maaliyadeed qorsheysan ee lagu hagaajinayo Maaliydda, taasina waxay keentay in Bankiga aduunka iyo hey’adda lacagta aduunka ay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka Soomaaliya, ayna ka gudbtay wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, waxaana iminka la gudagalay wajigii ugu dambeeyay ee deyn cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

Wasiirka Maaliyadda oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yiri:-“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya”.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Wasiirka Maaliyadda Maaliyadda Soomaaiya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga aduunka ay sanadkaan ugu yaboohaan Soomaaliya 140-milyan oo doolar halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M, wuxuuna tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayna la xiriireen dalalka deymahaasi ku sheegtay.

Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda oo qeyb ka ahaa sharuudaha deyn cafinta ayaa ka mid ah waxyaabaha wasaaradda maaliyadu ay ku guuleysatay, Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yiri:, “Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”.

Wasiirku waxaa kaloo uu hirgaliyay in Ciidanka iyo Howl-wadeenada Safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan, iyadoo markii horeba loo hirgaliyay in shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Mushaarkooda loogu shubo Akoonadooda.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaheena dibadda haddii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya, si markaasi loogu fufudeeyo inay helaan lacagaha ay u baahan yihiin.

Haddaba shalay ayuu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho uu ku faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan, isagoo sheegay in Lixdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in mar kale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sarreysa, wuxuuna Wasiirku tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Dakhliga ina soo galay ilaa iyo boqolkiia 58 ayaan daboolnay meel hoosa ayaan kasoo bilownay dhawaan waxaan ilaah ka rajeyneynaa wax kasta oo dowladda ay ku socotaba inaan anagu dabooli karno, Waxaa noo suurta gashay inaan soo wareejino dakhliga ay qaadi jireen Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxkamadaha, taasi waxay noo fududeysay inaan gaarno heerkii loo baahnaa”, ayuu yiri Wasirka.

Wasiirka oo ka hadlaayay arrinta Shaqaalaha Dowladda ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata, wuxuuna xusay in kuwaasi uu baaritaan uu ku socdo, isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Wasiir Beyle oo soo hadal qaaday Lacagta Shillin Soomaaliga ah ee la filayo in la soo daabaco ayaa sheegay in sanadkaan waxyaabaha u qabsoomay Dowlada ay ka mid tahay in meel gaba-gabo ah uu marayo qorshaha lagu daabacayo lacagta cusub ee dalka uu yeelanayo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay 41-Milyan oo lagu fuliyo Hawshaasi iyadoo IMF ay dowlada ka caawineyso.

“Waxaa kale oo inoo qabsoomay sanadkaan inaan Lacagteenii soo daabacno wax weyn oo inaga dhiman weeye, laakiin shaqo badan oo adag ayaa ka horeysay Shuruudo badan ayay laheyd dhamaan waa lagu soo guuleystay, wali cidii inoo soo daabici laheyd, nuuca ay lacagta noqon laheyd iyo cidii ku sawirnaan laheyd wali leyslama garan, Guddiyo ayaa la sameyni dadweynaha ayaa kasoo qeyb gali lacagta la isku raaco ayaa la sameyni”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka waxaa kaloo uu soo hadal qaaday Xaruumihii ay kulahaayeen Degmooyinka Dalka isagoo tilmaamay in dhawaan la dhisi doono Xarumaha degmooyinka ee lagu qaban lahaa Canshuuraha, maadaama ay burbursan yihiin, sidoo kalena la furi doonaa Iskuul lagu barto Maamulka Maaliyadda iyo Canshuuraha, wuxuuna ugu dambeyn u Mahad celiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada dalka, isagoo sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin,islamarkaana la mideynayo Canshuuraha guud ahaan dalka laga qaado.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa wadda dadaalo lagu doonayo in dib loo soo dhiso nidaamkii maamul iyo maaliyad ee Dalkan Soomaaliya, sidaasi awgeed waxaan dhihi karnaa Soomaaliyeey haddaan Gacmaha is qabsataan guul intaasi ka weyn ayaanu gaari karnaa Insha Allaah.

W.D.C/laahi Ruush

Previous Post

Gudoomiyaha Degmada Buula-barde oo codsay in laga taageero sidii Al Shabaab uga guuleysan lahaayeen

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha “Sawirro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In