Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Heshiis Iskaashi ah La Saxiixday Dhiggiisa Dalka Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Heshiis Iskaashi ah La Saxiixday Dhiggiisa Dalka Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo booqasho ku joogo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa maanta heshiis iskaashi ah oo dhex mara labada gobol la saxiixday gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa booqashada uu ku joogo magaalada Nairobi ku wehliyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka siyaasada,gudoomiye ku xigeenka howlaha guud iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo warbaahinta la hadlay ka dib saxiixa heshiiska iskaashiga ah ayaa sheegay in labada magaalo ay kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan,islamarkaana ay is dhaafsan doonaan khibradaha.

“Waxaan yeelanay kulamo dhowr ah waxaana ka wada hadalnay howlaha ay qabtaan dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Nairobi,waxana markii danbe soo saarnay heshiis is afgarad ah oo ku saabsan in ay xiriir wanaagsan yeeshaan maamulka labada magaalo oo leys dhaafsado khibradaha” Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

“Waxaan isla garanay in magaalada muqdisho laga taageero dhinacyada ay ka midka yihiin maamul wanaagga,maareynta qashinka,maamulka dhulka,biyaha,korontada iyo dimoquraadiyadda”Ayuu sii raaciiyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in uu gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero u fidhiyay casuumaad ah in uu soo booqdo magaalada Muqdisho,islamarkaana uu ka aqbalay.

IMG_0112 IMG_0114 IMG_0123 IMG_0125 IMG_0127 IMG_0128 IMG_0131 IMG_0133 IMG_0153 IMG_0155 IMG_0161 copy

Sawir qaade: C/raxmaan Cumar Cabdi (Somali)

Previous Post

Warsaxaafadeed:-Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay ciidamada Booliska oo soo qabtay lacago faalsa ah

Next Post

Shir Looga Hadlay Horumarinta Maamul Goboleedyada Iyo Maareynta Deeqaha Soomaaliya La Siiyo Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Shir Looga Hadlay Horumarinta Maamul Goboleedyada Iyo Maareynta Deeqaha Soomaaliya La Siiyo Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Shir Looga Hadlay Horumarinta Maamul Goboleedyada Iyo Maareynta Deeqaha Soomaaliya La Siiyo Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In