Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo u joogay hawlo dib-u-heshiisiineed ayaa maanta gelinki dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah laamaha dowladda.
Guddoomiye Mursal ayaa intii uu joogay Baydhabo waqtigiisii ugu badnaa ku bixiyay kulamadda dib-u-heshiisiinta ah iyo Deganaansho Siyaasadeed sidii loogu heli lahaa Degaanada Koonfur-Galbeed Soomaaliya, waxaana uu la kulmay dhinacyo badan oo bulshada ah sida Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Culimada, Ururada Bulshada iyo Qaar kamid ah beelaha deegaan ahaan u degan Koonfur-Galbeed,
Guddoomiyaha ayaa ku guuleysatay in dhamaan qeybihii ugu muhiimsanaa ee dib-u-heshiisiinta uu soo gaba gabeeyo, iyada oo dhamaan la qanciyay beelaha tabashooyinka qabay, waxaana u suuragashay Guddoomiyaha Barlamaanka in ugu dambeyn in ka badan 500 oo ruux la isugu keeno madal lagu soo xeriyay wajigii koobaad ee dib u heshiisiinta,
Dadka magaaladda Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur-Galbeed shacabkooda ayaa Guddoomiyaha ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay isaga iyo wafdigiisa ugu dhabar adeegeen in dib u heshiisiin hor dhac ah laga sameeyo degaannada Koonfur-Galbeed.