Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa ( Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa ( Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Pretoria ee Dalka K/Afrika.

Gudoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda  iyo howlaha ay u qabato Jaaliyadda kadibna  waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha waxa ayna warbixin guud ka siiyeen howlaha ay Safaaradda u qabato Jaaliyadda Soomaalida ee Wadamada Afrikada Koonfureed isagoo booqday dhamaan Xafiisyada ay Safaaradda ka koobantahay.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Danjire Jamal Barrow waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyaha xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika heysto  isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabto madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha Safaaradda sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.

“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa sida ay ugu  dadaaleen jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda  furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane

Previous Post

Madaxweynaha oo ku Bogaadiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Ansixinta Xeerka Is-gaarsiinta – SAWIRRO

Next Post

Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

Next Post

Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In