Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha Maamulka JubbaLand ayaa Faahfaahin Ka Bixiyay xaalada abaareed ee ka Jirta Deegaanada JubbaLand iyo saamaynta ay Ku Yeelatay Dadka iyo Duunyadda .
Wasiirka Ku xigeen Wasaaradaasi Ahna Gudoomiyaha Gudiga Gurmad Abaaraha ee JubbaLand oo La hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Tilmaamaamay in Kulamo ay La yeesheen Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Aafooyinka ee Dawlada Dhexe iyo Qaar Hay’adaha Gargaarka ee qaramad Midoobay isla Markaana laga Wada Hadlay Si gurmad loo Gaarsiin Lahaa Dadka ay Abaaraha Saameeyeen ee Deeganada Jubbooyinka waxaa uu Timlaamay in la isku Afgartay qaabka ugu Haboon ee Dadkaasi Lagu Caawin Karo islamarkaana ay Balanqaadyo Ka heleen Dawlada Federaalka iyo hay’adahii ay La Kulmeen.