Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dhagax dhigay Xabsi cusub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dhagax dhigay Xabsi cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”  ayaa waxay maanta dhagax dhigeen Xabsi cusub oo lagu soo kordhiyay Xabsiga dhexe ee Xamar si loogu kala yareeyo culeyska Maxaabiista.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xabsiga dhexe ee Xamar gaar ahaan Warshadaha soo saaraya qalab xafiisyeedka iyo kuwa guryaha,waxaana xilligaasi ka howlgalayay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka hore ay ku faraxsan yihiin in Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “ Ameeriko ku soo booqdaan Xabsiga dhexe ee Xamar,wuxuna carabka ku dhuftay in Guddoomiyuhu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo ku soo biiri doono Xabsiyada dalka,kaasi oo culeyska Maxaabiista ka yareyn doona Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuu sheegay Bashiir Maxamed Jaamac in arrintaan ay sahleyso in Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka baxaan ciriirigii ay ku jireenn horayna baahidooda wax badan looga qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay dhagax dhiga Xabsiga cusub ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Xabsiga cusub ay tahay inuu Culeyska ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

“ Ujeedada ugu weyn ee Xabsigan laga leeyahay waxaa weeye in culeyska uu ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar in dadka Xabsiga ku jira ay helaan qolal baaxad leh oo nadaafadiisana wanaagsan tahay iyo meelo ay wax ku bartaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ayaa bogaadiyay kuna tilmaamay iney tahay wax lagu farxo in boqolkiiba lixdan dadka waxa dhisaya ay yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,keliyana la siiyay qalabkii Xabsiga lagu dhisayay.

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo booqday Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay Garoowe+Sawirro

Next Post

R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo ka qabsoomay Garoowe

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Loo Dhanyahay.”Sawirro”

R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo ka qabsoomay Garoowe

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In