Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa sheegtay iney billowdeen qorshe lagu tayeynayo Maxkamadaha dalka , xilli GuddoomiyahaMaxkamadda sare & Xeer Ilaaliyaha guud ay socdaal ku tageen Kismaayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Jubbaland ee heer gobol iyo heer degmo waxaana hadal uu madashaas ka jeediyey guddoomiyaha Maxkamadda sare uu ku sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro tayeynta iyo isku xirka Maxkamadaha dalka, iyadoo qorshaha koowaadna haatan laga billaabayo Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Md. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa carrabka ku adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay Cadaalad-falidda iyo in la helo go’aamo dhax-dhaxaad ah oo sharciga ku dhisan, wuxuuna kula dardaarmay garsoorka Maxkamadaha Jubbaland iney u cadaalad falaan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Jubbland iyo xeer Ilaaliyahaba uu guddoonsiindoono Buug muhiim u ah howlaha garsoorka ay bulshada u hayaan Maxkamadaha.

Wefdiga dowladda federalka ayaa intii ay joogeen Jubbaland waxay kormeereen xaruntii hore ee Maxkamadda gobolka oo uu ka muuqdo burburka dagaalladi sokeeye iyo weliba Xabsi cusub oo imminka laga hirgelinayo xeebta Koboora ee magaalada Kismaayo, taasoo dhismaheeda uu hadda socda, waxeyna kulamo la qaateen Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowlad-goboleedka Jubbaland, iyagoo ugu dambeyn dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho.

vlcsnap-2016-11-28-23h08m28s55 vlcsnap-2016-11-28-23h17m28s70 vlcsnap-2016-11-28-23h18m32s199 vlcsnap-2016-11-28-23h19m09s58 vlcsnap-2016-11-28-23h19m54s2 vlcsnap-2016-11-28-23h20m00s57

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Next Post

Hay’adda Socdaalka oo xarumo ka furanaysa Xuduudaha dalka+Sawirro

Next Post
Hay’adda Socdaalka oo xarumo ka furanaysa Xuduudaha dalka+Sawirro

Hay'adda Socdaalka oo xarumo ka furanaysa Xuduudaha dalka+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In