Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Muqdisho Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey “VIDEO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayey oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Xildhibaanno tira badan oo ka tirsan Baarlamaanka,saraakiil,siyaasiyiin iyo fanaaniinta kooxda barbaarta gaashaaman oo iyagu ku soo dhaweeyey wafdiga ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo qeybta nasashada garoonka diyaaradaha saxaafadda kula hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey safarka ay isaga iyo wafdigiisa ku tageen dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia halkaasi oo ay kaga qeybgaleen munaasabadda qowmiyadaha dalka Ethiopia,kadibna waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaatay hogaanka Baarlamaanka Ethiopia iyo mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika oo ay ka wada hadleen dhaqan gelinta heshiisyada Midowga Afrika ee uu qaarkood Baarlamaanku ansixiyey.

Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu aad u ammaanay dadaalka iyo kaalinta muuqata ee uu Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan ka geystay xiriirka iyo xoojinta wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ethiopia iyo sidoo kale guud ahaanba iskaashiga labada Dowladood.

Warbixinta Soo Dhaweynta oo Muuqaal ah Hoos Ka Daawo:-

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidammada oo howl-gal dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose

Next Post

Ciidammada oo howl-gal dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In