Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Oo Kampala Tababar Uga Furay Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Oo Kampala Tababar Uga  Furay Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furay tababar la xiriira kordhinta doorka hogaamineed ee Haweenka dhanka siyaasadda Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya,Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan fududeyneysa ee The Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA) oo xaruntoodu tahay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Gudoomiyaha Golaha Haweenka Xildhibaannada Soomaaliya Xildhibaan Biibi Khaliif oo hadal kooban ka jeedisay munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay muhiimad u siiyeen fursadaha tababarrada ah ee aqoontooda sare loogu qaadayo guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay u mahad celisay hay’adda AWEPA oo tababarkan fududeynaya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddiisa furitaanka ayaa tilmaamay in tababarkan maanta Kampala uga furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay tababarro ilaa seddex gaaraya oo ay Xildhibaannada Haweenku ku kala qaadan doonaan Addis Ababa iyo Kigali sababta uu Guddoonka Baarlamaanka ahmiyad u siinayo Haweenkana ay tahay iney yihiin tiir dhexaadka bulshada,tanina ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo ay horey Guddoonku ula saxiixdeen hay’adaha Baarlamaanka taageerra qaarkood.

Tababarkan maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah tababarro, aqoon kororsiyo iyo kulammo howleedyo ay magaalada Kampala ku yeelanayaan guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya ku qaadanayaan dalka Uganda inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka.
DSC_4820

DSC_4830

DSC_4832

DSC_4834

DSC_4836

DSC_4838

DSC_4844

DSC_4845

DSC_4848

DSC_4864

DSC_4879

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 17.03.2015

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In