Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Oo Kampala Tababar Uga Furay Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Oo Kampala Tababar Uga  Furay Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furay tababar la xiriira kordhinta doorka hogaamineed ee Haweenka dhanka siyaasadda Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya,Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan fududeyneysa ee The Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA) oo xaruntoodu tahay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Gudoomiyaha Golaha Haweenka Xildhibaannada Soomaaliya Xildhibaan Biibi Khaliif oo hadal kooban ka jeedisay munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay muhiimad u siiyeen fursadaha tababarrada ah ee aqoontooda sare loogu qaadayo guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay u mahad celisay hay’adda AWEPA oo tababarkan fududeynaya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddiisa furitaanka ayaa tilmaamay in tababarkan maanta Kampala uga furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay tababarro ilaa seddex gaaraya oo ay Xildhibaannada Haweenku ku kala qaadan doonaan Addis Ababa iyo Kigali sababta uu Guddoonka Baarlamaanka ahmiyad u siinayo Haweenkana ay tahay iney yihiin tiir dhexaadka bulshada,tanina ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo ay horey Guddoonku ula saxiixdeen hay’adaha Baarlamaanka taageerra qaarkood.

Tababarkan maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah tababarro, aqoon kororsiyo iyo kulammo howleedyo ay magaalada Kampala ku yeelanayaan guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya ku qaadanayaan dalka Uganda inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka.
DSC_4820

DSC_4830

DSC_4832

DSC_4834

DSC_4836

DSC_4838

DSC_4844

DSC_4845

DSC_4848

DSC_4864

DSC_4879

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 17.03.2015

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In