Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku guuleeystay in uu dib ugu soo celiyo Dhul ay leeyihiin allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed Caruurtiisa oo ku yaalla Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhulkaas oo in muddo ah si sharci darro ah lagu heystay.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday in loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci darro ah ku heysta, lagana qaadi doono.
Fulinta howshaan, ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmadda Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.