Gudoomiyihii horre ee Gobolka Banaadir Jeneraal Maxamed Xuseen Muungaab oo xalay kasoo qeyb galay kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxii 14-kii bishaan maleeshiyaadka arxanlaawayaasha ugus ugu geesteen dad shacab ah Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa u goobta ka jeediyay kalmado isugu jiro tacsi uu la wadaagayay dadkii ay eheladooda ku dhinteen musiibada halkaasi ka dhacday iyo guulaha ay ciidamada xasilinta amniga Muqdisho gaareen.
”Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhammaan Ummada Soomaaliyeed shacab iyo dowlad gaar ahaan eheladii qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii Soomaaliyeed marxuumiinti lagu xasuuqay 14kii bishaan gumaadki ka dhacay isgoysa Soobe ee magaalada Muqdisho, waxan lee yahay illahay ha u naxariisto intii dhimatay intii ku dhaawacatayna illahay ha bogsiiyo waxay ahayd musiibo qaran oo ay geysteen cadawga soomaaliyeed cadowga hormarka umadda soomaaliyeed, intaas kadib waxan rabaa inan halkaan uga mahad celiyo shacabka soomaaliyeed iyo madaxdeenna oo si wanaagsan u muujiyay gurmadkii ay u fidiyeen dhibanaayshi ay xasuuqeen shabaabka, waxan kaloo u mahad celinaya dowladihihii ino soo gurmaday dhaawacana ino qaaday, aniga waxan aaminsanahay in argagixisida ay manta weysan yihiin meel ay gumaad ka dhigtaan waxan aad iyo aad u bogaadinaya ciidamada xasilinta amniga muqdisho oo beegsaday argagixisada markii ay iska dhicin waayeen ayey maciin bideen iney shacabka masaakiinta ay ka aargoostaan oo ay si barer ah u gumaadan”. ayuu yiri Mudane Mungaab.
Gudoomiyaha ayaa saddex kun oo dollar ugu deeqay dadkii dhaawaca kasoo gaaray Qarax Soobe ee ay ka danbeeyen kooxda uurdooxatada ee Ugus.
Gadoomiye Jeneraal Maxamed Xuseen Muungaab aya kamid ahaa gadoomiyayaashi soo maray gobolka banaadir ee waxqabadka muuqda laga dhaxlay intii u joogayna waxa lagu xasuusta mashruuci dariseenta caasimadda oo ilaa sagaal dagmo laga dhaqan galiyay.
Wariye: Mowliid hassan