Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Guuleystayaasha Tartanka Gabayada Hoyga Maansada 2021 oo la shaaciyay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Winners announced for the 2021 Home of Somali Poetry Awards
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

22 Nofeembar 2021 — Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay dadka ku guuleystay Tartanka Sanadlaha ee uu qabtay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay’adda Qaramada Middobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP).

Tartanka oo markii ugu horeysay sanadkan la qabtay ayaa u furnaa qof walba oo Af Soomaali wax ku qora si loo helo hal-abuurka ugu wanaagsan. Saddexda qeyb ee tartanka waxay kala ahaayeen Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka, Gabadha ugu Gabayga Waangsan iyo Abwaanka ugu D’ada Yare Sanadka (ka yar 25 sano).

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

In ka badan 200 oo gabayo ayaa lagu soo diray website ka Hoyga Maansada, waxaa Garsoorayaal ka ahaa abwaanno isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullaahi Guure, Maxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.

Qeybta koowaad ee Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka waxaa ku guuleystay Mursal Daahir Caynte oo gabaygiisu ku saabsanaa gobannimada iyo gumeysiga. Qeybta Gabadha ugu Gabayga Wanaagsan waxaa ku guuleystay Raxma Xuseen Huriye oo gabaygeeda kaga hadashay midnimada, dadkana uga digtay halista ka dhalan karta marki ay bulshadu ka tagto dhaqankeeda iyo qiyamkeeda. Abwaanka ugu Da’da Yar Sanadka waxaa ku guuleystay Mubaarik Yuusuf Dheeg oo gabaygiisu ku saabsanaa muhimadda ay leedahay xushmadda iyo naxariista.

“Sharaf bay ii tahay in aan ku guuleysto abaalmarinta ugu sarreysa ee Tartanka Gabayada Hoyga Maansada Sanadka,” ayuu yiri Mursal. “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Eebe kadibna qabanqaabiyayaasha tartanka oo dhiiragalin u sameeyay abwaannada da’da yar iyo sida ay u ilaalinayaan dhaqanka Soomaalida. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa hay’adda UNDP oo taageertay barnaamijkan. Waxey igu dhiiragalisay inaan sii wado curinta gabayga,”

“Marka hore Alle ayaa mahad leh, marka xigtana bahda Hoyga Maansada howsha culus oo ay qabteen,” ayey tiri Raxma Xuseen Huriye. “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaalmarinta qeybta haweenka”

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto qeybta dhalinyarada.Waa riyo ii rumowday,” ayuu yiri Mubaarik Yuusuf Dheeg. “Waxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyayaasha iyo garsooorayaasha shaqada culus oo ay qabteeen si barnaamijkan looga dhabeeyo,”

“Badanaa waxaa Soomaaliya loo yaqaannaa dalkii abwaannada, aniga taasi waxay iiga dhigantahay inaan nahay bulsho xikmad badan oo maan fayow. Xaqiiqadaas ayey ka tarjumayaan dadkii ku guuleystay tartanka Gabayada sanadkan,” ayey tiri Xaawa Jaamac Cabdi oo ah gabyaa aad loo yaqaanno, kana tirsanayd garsoorayaasha tartanka sanadkan.

Xafladda abaalmarinta waxay maanta ka dhacday hoteelka Jazeera ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaa lagu soo bandhigay gabayadii ku guuleystay iyo khudbado ay soo jeediyeen dad magac ku leh suugaanta Soomaalida.

Tartanka wuxuu ka mid yahay mashruucyada ugu dambeeyay oo uu hirgaliyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay’adda UNDP, si loo horumariyo suugaanta Soomaalida, nabadda iyo xuquuqda haweenka.

Horraantii sannadkaan ayaa la soo bandhigay bogga internetka ee Hoyga Maansada (www.hoygamaansada.com) Bogga internetku wuxuu kaydiyaa gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay tiriyeen abwaanada jiilka cusub. Sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, laguna soo bandhigo maqaallo, wareysiyo, bandhigyo islamarkaana aqoon laga kororsado. Hoyga Maansadu wuxuu qabanayaa munaasabado gaar ah wuxuuna shaqo gelinayaa abwaanada si ay u soo qoraan gabayo cusub oo loogu qabto bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsiyo dhanka dhaqanka ah.

“Haweenka abwaanada ah waxay taariikh dheer ku leeyihiin inay gabayga u adeegsadaan difaaca xuquuqdooda iyo tan muwadiniinta kale, iyagoo xitaa wajahaya caqabado waaweyn,” ayey tiri Maha Abusamra, oo ah sarkaal u xilsaaran qeybta jinsiga ee hay’adda UNDP. “Waan ku faraxsannahay inaan taageerno abwaannada Raxma oo kale inay hal-abuurkooda uu meel dheer gaaro,”

 

 

Previous Post

Winners announced for the 2021 Home of Somali Poetry Awards

Next Post

Guddiga doorashada Galmudug oo hal maalin ku kordhiyay waqtiga is Diiwaangelinta

Next Post
Guddiga doorashada Galmudug oo hal maalin ku kordhiyay waqtiga is Diiwaangelinta

Guddiga doorashada Galmudug oo hal maalin ku kordhiyay waqtiga is Diiwaangelinta

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In