Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

waxeey ahayd maalin kale oo meel madoow ka galaysa taariikhda Soomaalida,waxaan waynay masuuliyiin iyo muwaadiniin ku baxay dhagarta Argagixisada.

maqaalkaan waxaan ku ifinaynaa waxa uu weerarkaan uga dhiganyahay Shabaab, dadwaynaha Somaaliyeed waxa la gudboon iyo saamaynta uu ku reebayo Dawladda Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

August 30, 2026

Argagixisada

haddii aan ku hormaro iyo falkoodii,inagoo dib u eegaynaa ficiladoodii layaab wayn naguma noqonayo waana shaqo maalmeedkooda caadiga ah in sida ardaygu ugu kalaho waxbarashada,ama ganacsaduhu ugu mashquulo suuqa ayay ugu maqanyihiin nuuc kasta oo ay ku waxyeeleenkaraan hadba intii ay heli karaan waliba sida ay falalkoodu u kala waxyeello badanyihiin ayay ugu kala muhiimsanyihiin,in ay fuliyaan falal nuucaan oo kala ah waa arki karaa maadaama ay yihiin koox dhamaanteed aan lahayn camal aan ahayn dil waxaana mararka qaar caawinaya in ay gacmaha ay wax ku fuliyaan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo maskaxda laga badalay halka macalimiintu ay yihiin ajaanib noloshoodu ku tiirsantahay meel aan daganayn maadaama ay danbiyo ka galeen dunida deggan.

aan eegno maxeey ku kordhinaysaa kooxda­­­­ oo maalinkasta aan areyno iyagoo dhuminaya dhulkii ay gacanta ku haysay,dhimashada horjoogayaashooda,kala qaybsanaanta dhexdooda ah oo waagii barya badanaynsa iyo badashada inta ka bogsoonaysa cudurka argagixisada

,inagoo ku dhisayna weeraradii ay kooxdu horay ufulisay oo aan daawayn dhamaan xaaladaha aan soo sheegnay waxaan dhihikarnaa hal shay unbaay ku kordhinaysaa tani, taas oo ah danbiga ay galayaan unbaay ilaah agti iyo noolaha dunida dareenkooda sii badinaysaa.

Shacabka

Dadka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha falalka Argagixisada,dhawr siyaabood ayuu weerarkasta u taabtaa dadkeena,1-meelkasta oo ay argagixisadu fal ka fuliso waxaa si toos ah iyo si dadban ugu dhibtooda ha ahaato dhimasho,dhaawac,xarig,sumcad-darro dalka gaarta iyo kuwo kale.

inkasta oo aan hubo in inta badan Soomaalidu ay muujiso nacaybka ay u hayso kooxahaan,hadana waxaan la inkirikarin in fal kasta oo ay maleegayaan kooxdaan uu ka war hayo ugu yaraan hal qof sida milkiilaha goobta lagu diyaarinayo,dariska,ganacsadaha laga iibinayo waxa la isticmaalayo ama xitaa uu qofkeen yaqaano qaar ka mid ah maranhabawsanayaasha lana wadaagin macluumaadka Amniga ha ugayso cabsi,ku qanacsanaan ama  ha is yiraahdo maxaa kaa quseeya haduusan adiga kuu socon hadana aan dhamaanteen milicsano natiijada falka oo haddii uusan maanta ku saamayn aadan ogayn barri waxa dhacaya, waloow aan hubo in qaar badan ay ka shalaayaan marka uu fal ay qarsadeen galaafto qof ay jelaayeen,waxaa kaloo xusuus mudan in aan maskaxda ku hayno qaybta aad ku yeelankarto dunuubta ka dhalata wixii aad qarisay.

hadaba soo nalama gudboona marka aan garawsano xaaladahaan, kuna darno halka ay noo waddo Argagixisadu oo ka bilaabata dil kuna dhamaata dil in aan ku noqono maskaxdeenna si kale haddii aan u dhigno soo madhihikarno soo afjaridda arinkaan waxeey imaanaysaa maalinta aan dhamaanteen noqono ciidamo ka dhan ah falalkaan mar haddii aan dhamaanteen isla garanay in aan nahay dhibanayaal intii aan ka koobnaanlahayn kuwo maanta ku baxa arinkaan,ku dhaawacmay u barooranaya kuwii ay jeclaayeen ama sugaya wadadaas waatii maahmaahdii ahayd gayrkiis loo xiiryoow adna soo qooyso.

dawladda

inteenna ka warqabta dadaalka Dawladda ee ladagaallanka cadawga waan qirsanahay in wax badan laga naafeeyay ku tala galka Argagixisada, tusaalaha ugu yarna waxaan ka dhigayaa bal qiyaas inta qof ee ay doonayaan in ay dilaan Shabaab ka dibna soo qaado inta maleeshiyaad ah ee raadinaya dadkaas ka dibna u qaybi inta ay fuliyaan una fiiri maalinle,kaba soo qaad  in Muqdisho ay maalin kasta diyaariyaan in lasoo dilo 50 qof, miyay sidaas u dhacdaa jawaabto waa maya, libtaa soo ma siinkarno Ciidamada anagoo aan halmaamayn qadarka alaah iyo caawinaada Shacabka,

inkasta oo ay taasi jirto hadana kama saarayso meesha waajibka Dastuuriga ah ee faraya Dawladda in ay sugto amniga muwaadiniinteeda,qaar badan oo naga mid ah marka ay arkaan sida ay Argagixisadu u badbadalayso tabaheeda waxaa markiiba kusoo dhicikarta maa Dawladdu diyaarsato qubaro ayana diyaariya sidii looga hortagilahaa dhagartaas isla markaana daraaseeya hadba meesha aan ka nugulnahay waloow ay macquultahay in ayba jiraan haddaba.

gunaanad

dhamaanteen Dawlad iyo Shacaba mar haddii aan wadanahay dhibinayaal waa in aan muujinaa midnimo,geesinimo maskax,muruq iyo maalna isugu gayno sidii aan uga adkaan laheyn kuwa doonaya in ay nagu hayaan daganaasho la’an, dibna u dhigano waxyaabaha yaryar ee aan ku kala duwanahay inta aan ka adkaanayno cadawga aan midkeenna dhaafayn.

Boys fake omega watches Free Shipping Worldwide replica breitling fake rolex replicas for sale Buckle Watches replica panerai fake omega seamaster Cheap Sale Chronograph rolex fake vendo

W/D/Cabdi Raxmaan Yuusuf Sheikh Al Cadaala

 

Previous Post

Shirkii Deg Dega ahaa Ee Madaxweynuhu shir gudoominayay oo soo idlaaday iyo Qodobo laga soo saaray {DHAGEYSI+SAWIRRO}

Next Post

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho iyo Shir looga hadlayo Af-Soomaaliga oo ka furmaya

Next Post
Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho iyo Shir looga hadlayo Af-Soomaaliga oo ka furmaya

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho iyo Shir looga hadlayo Af-Soomaaliga oo ka furmaya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

August 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah...

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa hirgelinaya isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Xafiisku wuxuu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In