Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX)
Muqdisho, 1 October 2020

Mabaadii’da

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan.

2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF

3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland.

4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.

5. Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka.

6. Muddo-xileedka Guddigu waxuu ku egyahay hirgalinta doorashada ee 2020/21.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah ee 2020/2021

1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo.
2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda
3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.
4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.
5. Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka
6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay.
7. Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21.
8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1. Guddiga waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhexdooranayaan Guddomiye iyo Guddomiye Ku xigeen. Guddomiyaha iyo Ku xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad caadi ah ee xubnaha guud ee Guddiga (50%+1).
2. Shirkarka Guddigu wuxuu ku qabsoomayaa seddex meelood labo meelood ee tirade guud ee Guddiga.
3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50%+1).

Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah.

1. Wadashaqeynta Guddiyada labada heer: Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waxay wadashayn iyo xiriir joogta ah la yeelanayaan Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada uu noqdo mid mideysan isku-sina uga dhacdo dalka oo dhan.

2. Wacyigalinta Bulshada: Guddiga Maamulka Doorashadu waxay sameynayaan wacyigelin si dadwaynuhu u fahmaan nooca doorashada iyo sida ay ku dooran karaan Matalayaashooda Golaha Shacabka ama ergooyinka iyagoo qabanaya kulamo ama adeegsanaya Aaladaha warbaahinta.

3. Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta: Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka.

4. Diyaarinta iyo Hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaalaha la shaqaynaya guddiga, isku dubaridka iyo hirgelinta hawlaha hannanka doorashada, isku xirka laamaha amniga

5. Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada, si loo xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay ka kooban yihiin dhamaan qaybaha bulshada, iyadoo la xaqiijinayo 30% qoondada haweenka.

6. Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: Guddiga Maamulka doorashada wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka uu maray wada tashigii loo baahnaa, iyo in ay ku dhanyihiin jifooyinka kursigu ka dhexeeyo. Guddiga maamulku hadii uu xaqiijiyo in aan loo dhammayn liiska, waxaa uu dib u celinayaa liiska, iyagoo Guddiga Heer Federaal korjoogtayn doonaan hanaanka wadatashiga ee dib u sixida liiska ergada.

7. Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare. Guddigu waxay qabanayaan waraaqdaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya metelaada haweenka ee 30%.

8. Maaraynta diiwangelinta Musharaxiinta: Guddigu waxa ay maareynayaan diiwangelinta musharaxiinta iyo dib u eegista diiwangelinta musharaxiinta Golaha Shacabka iyadoo laga hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada ee doorashada 2020/21.

9. Diiwan-gelinta ergooyinka: Guddigu waxaa uu diiwan-gelinaya ergooyinka, iyadoo ergay kasta la siinayo warqad aqoonsi si uu ugu gali karo xarunta codbixinta malinta codaynta.

10. Tababbarada Ergooyinka: Guddigu waxa uu diyaarinayaa, hirgelinaya tababarka iyo wacyigelinta xubnaha ergooyinka ee hannanka codeynta ee doorashada dadban ee 2020/21 ka hor inta aysan ka qaybgalin codeynta.

11. Hadal-Jeedinta Musharaxiinta: Guddigu waxuu fududeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta Labada Aqal iyagoo mid kasta la siinayo 10 daqiiqo ka hor codeynta.

12. Maaraynta hannanka codeynta iyo tirinta codadka: Guddigu waxaa uu masuul ka yahay maaraynta habsami u socodka hannanka codeynta oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeynta isla goobta codbixinta marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal.

13. Gudbinta Natiijada: Marka doorashada heer dowladaha xubnaha ka ah DF ay ka soo dhammaato, Guddigu waxa uu u gudbinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal liiska xubnaha ku guuleystay kuraasta goobaha, oo saxiixan si hor dhac ah.

14. GMDHDX waxaa uu hubinayaa Hirgalinta Qoondada haweenka 30% ee labada aqal ee baarlamaanka

Lifaaq 1. Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

1. In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.
2. In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano
3. In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo
4. In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada
5. In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna
6. In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.
7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Tags: Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal
Previous Post

Matalaadda Gobolka Banaadir Ee Aqalka Sare Oo Laga Hadlay

Next Post

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa oo laga helay Corona Virus

Next Post
Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa oo laga helay Corona Virus

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa oo laga helay Corona Virus

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In