Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 31, 2024
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan cusub, waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

 

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dowladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

 

Dhinaca kalen Dowlada Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay muddo laba sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM, loona guurayo UNCT, iyadoo muddaadaasi sidoo kale ay dowladdu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay oo loogu magac daray UNATMIS, waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arrimaha taageerada dib u dhiska Hey’adaha Dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga, waxayna Dowladda Soomaaliya caddeysay in arrimaha Siyaasadda ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

 

Qorshahaan waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee sanadkan, islamarkaana uu soo gaba gaboobo sanadka 2026-ka waxaana xiligaasi kadib Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee hadda jira uu noqonayaa mid xirma, howlaha hareyna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana muddada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba, iyadoo shaqooyinka ay qabtaanna ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

 

Haddaba xiisad ayay ka dhex abuurtay Itoobiya Imanshaha Soomaaliya ee Dowladda Masar, iyadoo Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba “Itoobiyaanku Adduunyadaan la joogo labo ayay ka cabsataa, waa Soomaali xoogeysatay oo leh ma qaadan kartaan Waddankeenna taako ka mid ah iyo Masaarida Ciidankooda xooggan ee baabi’in kara Itoobiyanka damacu waalay”.

 

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ka tirsan Xabashida ayaa laga dareemayaa inuu ahaa mid aad u karkarayay, taasi oo muujineysa inuu xaalkooduna meel xun marayo , waxaase hubaal ah in maalmo kale oo adag ay Ethiopia wajihi doonto. ‘Soomaaliya maahan Soomaaliyadii shalay’.

 

Dadka Taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Masar iyo xasaasiyadda ay ka qaaday Itoobiya ku caddeeyay qodobadaan:-

 

1-Soomaaliya iyo Masar Heshiiska Difaac/Amni ay galeen waa mid dhaqan gal ah, Cid wax ka baddeli karta ma jirto.

 

2- Itoobiya waxay Buuqaan oo dhan u kicinee inay ka mid Noqoto AUSSOM, taasina ma dhici karto oo Go’aanka Cidda Xubin ka noqoneysa Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh mana ogola.

 

3- Dowladda Maraykanka waxay u aragtaa Tillaabadii Abiye iyo Muuse mid toos u dhaawaceysa Amniga Qaranka sida uu sheegay January 2024-kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareynka ee Aqalka Cad John Kirby.

 

4-Itoobiya waxay ku soo fashilantay inay siyaasaddeeda arrimaha dibadda inay ku meel mariso Is-Af-garadkii MOU, waxaana lama filaan ku noqday bandhigyada horumarsan {Performance) siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya siday ugu guuleysatay inay go’doomiso maamulka Addis.

 

5- Maamulka Addis oo ku fashilantay inay diblumaasiyad ku wajahdo Muqdisho waxay isku dayeysaa inay Soomaaliya u meeriso Cidda ay la saaxiibeyso ama la kaashaneyso Sugidda Amnigeeda, suurtagalna maahan taasi.

 

6- Sheekada (Narrative-ka) Soomaaliya ayaa aad ugu xooggan Warbaahinta & Fikirka Guud ee Caalamiga ah Xaaladda hadda taagan, sidaas darteed waxay diiradda saartay Itoobiya inay kiiska u sawirto Masar vs Itoobiya.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Bartiisa Bulshada qormo uu qoray cinwaan uga dhigay ‘Caga la’aanta ayay ciiddu igu aragtay’, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:-

 

“Diyaarad ay Masar leedahay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho ka soo dagtay ayay Itoobiyaanku yiraahdaan uma dulqaadan karno ( We can’t tolerate it). Maamulka Soomaaliland wuxuu yiri waxaan si adag u diidannahay )Strongly object) imaatinka Masaarida ee Soomaaliya oo qalalaase ka abuuri doono degmada Geeska Afrika”.

 

Xildhibaanka waxa uu is weydiiyay “Itoobiya ujeedkeedu muxuu yahay? Waa in ay xalaaleysato sidii ay qeyb uga heli laheyd baddeenna iyo dhulkeenna waana mid ay ku taameysay muddo aad u dheer. Annaga hadaan Soomaali nahay dhexdeenna siyaasad waa isku diidi karnaa, laakiin waa nasiib darro weyn in ruux Soomaali sheeganayo uu cqoadow raba inuu dhulkiisa qaata garab uu u noqdo. Qeybi oo xukun wey na soo martay yaan naloo celin. Taariikh ayaa qormeysa ee Soomaalaay dib isugu laabo”.

 

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhawaan garay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”. Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka iyo Dadka.

 

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna Murti ku yiri:- “XABASH HADDUU KU FAANAY XOOG, XASSANNA XEELAD WAA YAQAAN”.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Guusha Turkiga

Next Post

Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Next Post
Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In