Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan cusub, waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

 

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

 

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dowladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

 

Dhinaca kalen Dowlada Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay muddo laba sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM, loona guurayo UNCT, iyadoo muddaadaasi sidoo kale ay dowladdu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay oo loogu magac daray UNATMIS, waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arrimaha taageerada dib u dhiska Hey’adaha Dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga, waxayna Dowladda Soomaaliya caddeysay in arrimaha Siyaasadda ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

 

Qorshahaan waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee sanadkan, islamarkaana uu soo gaba gaboobo sanadka 2026-ka waxaana xiligaasi kadib Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee hadda jira uu noqonayaa mid xirma, howlaha hareyna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana muddada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba, iyadoo shaqooyinka ay qabtaanna ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

 

Haddaba xiisad ayay ka dhex abuurtay Itoobiya Imanshaha Soomaaliya ee Dowladda Masar, iyadoo Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba “Itoobiyaanku Adduunyadaan la joogo labo ayay ka cabsataa, waa Soomaali xoogeysatay oo leh ma qaadan kartaan Waddankeenna taako ka mid ah iyo Masaarida Ciidankooda xooggan ee baabi’in kara Itoobiyanka damacu waalay”.

 

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ka tirsan Xabashida ayaa laga dareemayaa inuu ahaa mid aad u karkarayay, taasi oo muujineysa inuu xaalkooduna meel xun marayo , waxaase hubaal ah in maalmo kale oo adag ay Ethiopia wajihi doonto. ‘Soomaaliya maahan Soomaaliyadii shalay’.

 

Dadka Taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Masar iyo xasaasiyadda ay ka qaaday Itoobiya ku caddeeyay qodobadaan:-

 

1-Soomaaliya iyo Masar Heshiiska Difaac/Amni ay galeen waa mid dhaqan gal ah, Cid wax ka baddeli karta ma jirto.

 

2- Itoobiya waxay Buuqaan oo dhan u kicinee inay ka mid Noqoto AUSSOM, taasina ma dhici karto oo Go’aanka Cidda Xubin ka noqoneysa Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh mana ogola.

 

3- Dowladda Maraykanka waxay u aragtaa Tillaabadii Abiye iyo Muuse mid toos u dhaawaceysa Amniga Qaranka sida uu sheegay January 2024-kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareynka ee Aqalka Cad John Kirby.

 

4-Itoobiya waxay ku soo fashilantay inay siyaasaddeeda arrimaha dibadda inay ku meel mariso Is-Af-garadkii MOU, waxaana lama filaan ku noqday bandhigyada horumarsan {Performance) siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya siday ugu guuleysatay inay go’doomiso maamulka Addis.

 

5- Maamulka Addis oo ku fashilantay inay diblumaasiyad ku wajahdo Muqdisho waxay isku dayeysaa inay Soomaaliya u meeriso Cidda ay la saaxiibeyso ama la kaashaneyso Sugidda Amnigeeda, suurtagalna maahan taasi.

 

6- Sheekada (Narrative-ka) Soomaaliya ayaa aad ugu xooggan Warbaahinta & Fikirka Guud ee Caalamiga ah Xaaladda hadda taagan, sidaas darteed waxay diiradda saartay Itoobiya inay kiiska u sawirto Masar vs Itoobiya.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Bartiisa Bulshada qormo uu qoray cinwaan uga dhigay ‘Caga la’aanta ayay ciiddu igu aragtay’, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:-

 

“Diyaarad ay Masar leedahay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho ka soo dagtay ayay Itoobiyaanku yiraahdaan uma dulqaadan karno ( We can’t tolerate it). Maamulka Soomaaliland wuxuu yiri waxaan si adag u diidannahay )Strongly object) imaatinka Masaarida ee Soomaaliya oo qalalaase ka abuuri doono degmada Geeska Afrika”.

 

Xildhibaanka waxa uu is weydiiyay “Itoobiya ujeedkeedu muxuu yahay? Waa in ay xalaaleysato sidii ay qeyb uga heli laheyd baddeenna iyo dhulkeenna waana mid ay ku taameysay muddo aad u dheer. Annaga hadaan Soomaali nahay dhexdeenna siyaasad waa isku diidi karnaa, laakiin waa nasiib darro weyn in ruux Soomaali sheeganayo uu cqoadow raba inuu dhulkiisa qaata garab uu u noqdo. Qeybi oo xukun wey na soo martay yaan naloo celin. Taariikh ayaa qormeysa ee Soomaalaay dib isugu laabo”.

 

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhawaan garay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”. Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka iyo Dadka.

 

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna Murti ku yiri:- “XABASH HADDUU KU FAANAY XOOG, XASSANNA XEELAD WAA YAQAAN”.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Guusha Turkiga

Next Post

Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Next Post
Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In