Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal jeedinta maalina koowaad ee Musharaxiinta Madaxweynaha 10aad JFS oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 11, 2022
in Wararka
0
Hadal jeedinta maalina koowaad ee Musharaxiinta Madaxweynaha 10aad JFS oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Xarunta Teedhada Afisyooni ka qabsoontay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo bandhigayeen Barnaamij Siyaasadeedka Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Maalinta koowaad ee Hadal jeedinta waxaa ku qornaa illaa 20 Musharax oo ka mid 39 musharax oo si rasmi ah u dhameystiray sharuudaha musharaxnimo ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo uu Guddiga u jaan gooyay in ay u soo bandhigaan ajandayaashooda Mudanaasha Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Munaasabadda hadal jeedinta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada Guddoonka labada Aqal ee BFS.

Ugu horreeyn Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa daah furay kulanka, asaga oo mudanayaasha iyo musharaxiinta u sharaxay habraac hadal jeedinta Musharaxiinta.

Hadal jeedinta Musharaxiinta marka ay soo idlaatay ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS ka codsaday Xildhibaannada labada Aqal ee BFS in ay ka soo qeyb galaan hadal jeedinta Musharaxiinta ee loo ballan sanyahay maalinta berri oo ah maalinta u dambeysa ee hadal jeedinta musharixiinta ku loolamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalin Axadda ee soo aadan oo ah maalinta ay u jaangooyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Next Post
Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In