Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Shuyuuciga Shiinaha, Mudane Xi Jinping,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa,

Madaxweynaha Rwanda isla markaana ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Paul Kagame,

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Musa Faqi Maxamed,

Madaxda Dowladaha, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf ii ah inaan hadaljeedin ku yeesho kulankan muhiimka ah ee iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Ugu horrayntii, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha soo dhawayntoodii diirranayd iyo martisoorkii aniga iyo waftigayga loo fidiyey, intii aannu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee Beijing.

Sidoo kale, aniga oo ka faa’idaysanaya fursaddan waxaan jeclahay inaan Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Koonfur Afrika oo si wadajir ah u shir guddoominayey Madasha Iskaashiga, uga mahadceliyo dadaallada baaxadda leh ee ay ku bixiyeen qabanqaabada shirkan.

Waxaan kale oo aan ugu hambalyeynayaa Jamhuuriyadda Senegal in ay noqotay dowladda la shir guddoominaysa Madasha soo socota dalka Shiinaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dalka Shiinuhu waxa uu taariikh ahaan Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrikaan ah ka taageeri jiray mashaariic waaweyn ee horumarineed.

Tan iyo markii la daahfuray shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika sannadkii 2000, waxa uu horseeday dardargelinta iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoona tilmaam u noqday sida ay Shiinaha uga go’an tahay iskaashi dhexmara dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Hubaashii, shirkani waxa uu ibo-fur u yahay sare u qaadidda iskaashiga dhinaca horumarka, wuxuuna abuurayaa madal ku dhisan wada hadal iyo kalsooni.

Shirka sannadkani waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah, sababta oo ah waxa uu ku suntan yahay guul taariikhi ah, maaddaama oo 18-kii sanno ee la soo dhaafay uu iskaashi miradhal ah dhexmarayey Shiinaha iyo Afrika.

Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wada hadallada iyo wadashaqaynta joogtada ah, taas oo keenaysa in qodobbo waxtar leh ka soo baxaan shirkan.

Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee “Dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal” iyo qorshe-hawleedkii Beijing.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Khudbaddii uu ka jeediyey Madaxweyne Xi Jinping furitaanka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, wuxuu ku soo bandhigay qorshe dhammaystiran oo wadashaqaynta Shiinaha iyo Afrika lagu xoojinayo.

Siddeeddii hindise ee uu soo jeediyey Madaxweyne Jinping iyo deeqihii uu Shiinuhu ballanqaaday waxay suurtagelinayaan in la iska kaashado dhinacyada muhiimka ah ee horumarineed si loo gaaro natiijooyin la taaban karo.

Dowladda Shiinuhu waxa ay ku ammaanan tahay fulinta ballanqaadyadeeda, waxaanna ku kalsoonahay in saddexda sanno ee soo socda wax badan la qaban doono.

Xiriirka ka dhexeeya Hindisaha Shiinaha ee Kaabayaasha Dhaqaalaha (Road and Belt Initiative) iyo hiigsiga 2063 ee Midowga Afrika waxa uu xoojinayaa yoolka horumar ee ay wadaagaan dadyowga Shiinaha iyo Afrika.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aynu kulankeenan ugu dabbaaldegno 40-guuradii ka soo wareegtay siyaasaddii Shiinuhu qaatay ee ku salaysnayd furfurnaanta iyo isbeddelka, taas oo muwaadiniin gaaraysa 700 oo milyan ka saartay saboolnimada. Waa guul aynu wax badan ka baran karno haddii aynu helno siyaasado waxtar leh oo lagu kaabay shaqo joogto ah. Waxaa sidoo kale laga baran karaa in nabadgelyada, ammaanka iyo xasiloonida aan la gaari karin haddii aan la daboolin baahiyaha asaasiga ah ee muwaadiniinta.

Soomaaliya waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada nabadgelyada, ammaanka, dawlad-wanaagga iyo siyaasadda la dagaallanka musuqmaasuqa.

Xeebaha Soomaaliya waxa ay taariikh ahaan marin u ahaayeen ganacsiga u dhexeeya Shiinaha, Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Haatan, hirgelinta Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), iyo ka faa’idaysiga khayraadkayaga dihan ayaa Soomaaliya u sahlaya inay hormuud u noqoto horumarka iyo isku xirnaanta gobolka.

Haddii aynu ka faa’idaysanno fursadahan dhaqaale, Soomaaliya waxay door weyn ka ciyaari kartaa barwaaqada iyo xasilloonida adduunweynaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan aaminsanahay in Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ay kaalin mug leh ka qaadan karto fududaynta maalgashiyada muhiimka ah iyo xiriirka dadyowga Shiinaha iyo Afrika, si loo gaaro horumar iyo faa’idooyin wadaag ah.

Maaddaama Soomaaliya ay dananayso joogtaynta xasiloonideeda iyo dardargelinta koboca dhaqaaleheeda, waxa ka go’an inay soo dhawayso dhammaan noocyada kala duwan ee maalgashiyada si looga faa’idaysto khayraadka dihan ee dalka, loona gaaro natiijooyin miradhal ah oo ku yimid wadashaqayn laga wada dheefayo.

Ugu danbayntii, aniga oo ku hadlaya magaca wafdigayga iyo kan shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iga guddooma salaan iyo bogaadin sarraysa. Waxaan dhammaanteen inoo rajaynayaa guul iyo wadahadallo miradhal ah.

Mahadsanidiin.

DHAMMAAD

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Next Post

President Farmajo addressed the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC)

Next Post
Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

President Farmajo addressed the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC)

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In