Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Hadii uu jiro Dal ay Soomaali ixtiraam ku leedahay waa Turkey.

admin by admin
9 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Hadii uu jiro Dal ay Soomaali ixtiraam ku leedahay waa Turkey.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraalkeeygaan yar ee aan ku cabirayo dareen ka dhashay fal celinno aan la kulmay mudo todobaad ah oo aan ku sugnaa Istanbul iyo dareen aan ka wariyey Saaxiibadeeyda halkaan ku nool ayaa ah dareen mudan in aan u soo bandhigo Dadka aan ka beermay ee Soomaaliyeed.

Sida aad la wada socotaan sanadkan dhammaadka ah bilowgiisa waxaa dalkaan soo maray dhacdooyin xanuun badan oo ay dad badani ku dhinteen ayadoo taasi laga gaashaamanayo ayaa waxaa jira sanadkan howlgallo ammaanka aad loogu xaqiijinayo oo magaalooyinka waaweyn ee Istanbul ay ugu horeyso ka jira.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026

Dhacdadii ugu horeysay waxa aan la kulmay habeen kadib markii aan halkaan imid oo goob uu baaritaan ka socday aan kasoo dul dhacnay aniga iyo saaxiibo ila socday wadada ayaa xirneyd qof walba waa la istaajinayey baaritaan iyo su’aallo weeydiin ayaa jiray waxaa saf ku jiray dad dalkaan u dhashay iyo ajaaniib qaarado kala duwan kasoo jeeday markii lanagu yimid oo aan is sheegnay inaan Soomaali nahay nalama weeydiin wax kale oo waxaa jawaab nalooga dhigay “Raali noqda dareema xoriyad oo horey u sii socda” ayadoo dadkii kale ay weli saf ku jiraan ayaan dhaqaaqnay.

Habeen ka hor anaga oo fadhina maqaayad ay dadku ku kulmaan ahna koox tira badan oo aan ka xusi karo Muha Ali , Abwaan Maki xaaji Banaadir iyo Hassan Baffo ayaa waxaa soo galay ciidammada sida gaarka ah u tababaran waxey ku amreen qof walba in uu fadhigiisa ku nagaado dibaddana usoo saaro sharciga uu dalkan ku joogo ama aqoonsigiisa .

Waxaan soo wada saarnay Dal ku galkeenna (Passports) ma jirin cid gaar bartilmaameed nooga dhigatay marka laga reebo sxbkeey Eng Fuad Mohiddin Khalif oo iga yara midab furan (cad) oo lagu yiri keen aqoonsigaaga marka uu Passport kiisa soo bixiyey ee Astaanta Qaranka Soomaaliya lagu arkay uu askarigii la hadlayey ku yiri “iga raali noqo hadii aad Soomaali tahay,Soomaalidiina kalena raali ahaada oo xoriyad dareema” intii kale ee carabta,afrikaanka iyo turkida aheedna su’aallo iyo baaritaan oogadooda ah lagula dhaqaaqay.

Waxaan durba soo xasuustay ixtiraamka dalkan Soomaali u yaala iyo sida dalalka qaarkood Soomaalideena loogala dhaqmo oo meelaha qaar ee ay dadku ku badan yihiin marka ciidan yimaado bartilmaameedka koobaad aan u nahay xitaa hadii aan sharci ku joogno dalalkaas.

Saaxiibadeeyda kale ee dalkan horey ugu noolaa oo uu ka mid yahay wariye Salman Jamal Said waxa ay ii sheegeen in ka sokoow dhacdooyinka aan goobjooga u ahay mar walba Dadkeenna sidaan looga tixgeliyo Turkiga.

Walaalaha Turkiga Alle haka abaal mariyo ixtitaamka ay dadkeenna u hayaan ,dadka aan ka dhashay ee dalkaan ku noolna waxaan kula dar daarmayaa iney ilaaliyaan sharafteenna iyo ixtiraamka ay heystaan.

Mahadsanidiin

Abdi Jeite

Previous Post

Dib u dayactir lagu sameeynayo Garoonka Ciyaaraha ee Degmada C/casiis+Sawirro

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale

Next Post
Akhriso:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dowaladda oo ku saabsan Soomaalida Liibiya ku Nool

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray...

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026
0

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In