Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hooyo Salaado Xuseen Nuur waa Hooyo Soomaaliyeed oo ka shaqeysan jirtay goob shaaha lagu cabo oo ku taalo Taalada Xaawo Taako afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka,isla markaana kala qeybisa Degmooyinka Xamar weyne iyo Warta Nabadda.

 

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Qaraxii 22 December ay Al-Shabaab ka geysteen Taalada Xaawo Taako ayay Qoyska Hooyo Salaado ku noqotay musiibo, kaddib markii ay ku waayeen Walaasheed Farxiyo oo u geeriyootay bir ka gashay dhanka Wadnaha oo jartay xididka halbowlaha, taasi oo ka timid gaariga Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen biraha iyo walxaha qarxa ee ay ugu talagaleen inay Ummadda ku xasuuqaan.

Sidoo kale isla goobta Xaawo Taako waxaa ku dhaawacantahay curudda Hooyo Salaado oo jirta da’da 13-sano, taasi oo u ahayd xoog, maadaama ay shaqadoodu tahay iibinta shaaha, isla markaana aysan ka niyad jebi doonin dib u yegleelidda meheradooda ganacsi.

Qaraxii kan ka horeeyay oo ay argagixisadu ka geysteen isla goobtan waxa ay Hooyo Salaado ku weysay Seeygeeda.

“Anaga masaakiin ayaan iska nahay, goobtan shaah ayaan ku karsan jirnay, mucjisadan ayaa nagu habsatay oo galaafatay Walaasheyda Farxiyo, iyo gabarteeyda curudda ah oo iga dhaawacantay, tani waa qadar Alle ee aan u wada duceyno Farxiyo iyo inta kale ee goobta ku dhimatay” ayay tiri Hooyo Salaado.

Xaquuqda Sawirka waxaa iska leh Horn cable TV
Xaquuqda Sawirka waxaa iska leh Horn cable TV

Hooyo Salaado iyo Walaasheed Farxiyo subax kasta waxay u soo kalihi jireen in shilin shilin-ka ay goobta ka helaan ku quudiyaan ehelkooda iyo naftooda, balse taa badalkeeda Argagixisada Al-Shabaab ay gaari ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ku kacaya kumanaan kun oo dollar ay ku holciyeen in ka badan 20  qof oo ay ka mid ahayd Farxiyo.

Allaha u naxariistee Farxiyo waxa ay ifka kaga tegtay hal canug, halka Hooyo Salaado ay iminka korineyso 6- carruur ah oo midi kamid ah ay ku dhaawacantahay qaraxii musiibada ahaa, kuwaasi oo isugu jira agoon iyo carruur ay Aabahood kala tageen.

Xaquuqda Sawirka waxaa iska leh Horn cable TV
Xaquuqda Sawirka waxaa iska leh Horn cable TV

Hooyo Salaado Xuseen Nuur inkasta oo uu dhibkan gaaray hadana hankeedu waa kii shalay, iyadoo si murugo ku dheehantahay ula hadlaysay bulshadana waxa ay ka codsatay inay gacan ku siiyaan sidii ay markale meheraddii ka bur burtay u dhisan lahayd, maadaama ay ka soo jeeddo qoys sabool ah, una baahantahay kaalmo dhinac waliba leh.

W/D: Maxamed Macalin Xasan

 

Previous Post

Madaxweynaha Sudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi

Next Post

Trump oo Ogolaaday Casuumaad uu u Fidiyay Madaxweyne Erdogan

Next Post
Trump oo Ogolaaday Casuumaad uu u Fidiyay Madaxweyne Erdogan

Trump oo Ogolaaday Casuumaad uu u Fidiyay Madaxweyne Erdogan

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In