Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Isse Gutale, iyo wafdi uu hoggaaminayey, ayaa dhawaan soo gabagabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway. taas oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowrka Guud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Booqashadan ayaa muujineysa sida ay Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Hantidhowraha Guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa Hindisaha Horumarinta Hay’adaha Hantidhowrista Guud ee Caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “Mashruuca Taageerada Saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo Ururka Hay’adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E). Heshiiskan waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway (MFA) iyo Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD). Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka.

Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay Dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in Hantidhowraha Guud uu tagay Xarunta Baarlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarista iyo Arrimaha Dastuurka. Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu Hantidhowraha Guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen Baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan.

La macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo Baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.damaca guracan ee Itoobiya.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya

Next Post

Xukun dil ka dhashay oo uu sabab u ahaa Kaararka Barakacayaasha

Next Post
Xukun dil ka dhashay oo uu sabab u ahaa Kaararka Barakacayaasha

Xukun dil ka dhashay oo uu sabab u ahaa Kaararka Barakacayaasha

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In