Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulanka uu la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo Macdanta ee dalka Kenya Xasan Cali Joho waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo danaha wadaaga, hanaanka Soomaaliya iyo Kenya ay isaga kaashan karaan dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta intuba.

Labada Mas’uul ayaa isla gartay in gobalka uu ka jiro mustaqbal ifiya, loona baahanyahay in arrintas la dardargeliyo, gaar ahaan marka loo eego dhanka Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay qeyb ka yihiin.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa yiri “Haddii aan mideyno awoodeena waxaan furi karnaa waxyaabo dahan oo bulshadeena faa’iidooyin u leh

Soomaaliya iyo Kenya waxaa meel gabo gabo ah u maraya heshiis is afgarad oo dhanka kalluumeysiga ah, wada hadaladan waxa ay ka turjumayaan talaabooyinka muhimka ah ee lagu xoojinayo labada dal iyo sare u qaadidda xiriirka saaxiibada ku mideysan Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Wasiirka Macdanta iyo dhaqaalaha buluugga ee dalka Kenya Xasan Cali Joho ayaa dhankiisa xusay in kulanka uu la qaatay Danjire Jabriil Ibraahim uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah, isla markaana ay si qoto dheer uga wada hadleen isdhaafsiga waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee dhinaycyada dhaqaalaha buluugga, macdanta iyo kheyraadka biyaha, lana gaarsiiyo gobalka intiisa kale.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin labada dhinac ka tirsan.

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalada Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle uu ugu jiro xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya iyo tan urur goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Maadaama ay dowladdu ku guuuleysatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Caalamka.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay siyaasadda habraaca Qaran ee Warbaahinta iyo arrimo kale

Next Post

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Next Post
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In