Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026, (Annual Overall Audit Plan – 2026). Qorshahan sanadlaha ah ayaa hagaya dhammaan hawlaha baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeexayaa habka fulinta baarista hantidhowr ee hay’adaha dowladda, jihada guud, mudnaanta, iyo baaxadda baarista, mashaariicda, iyo qaar ka mid ah nidaamyada tiknoolojiyadda ee ay dowladdu adeegsato.

Qorshuhu wuxuu ku saleysanyahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.

Related posts

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026

Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baarista mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka. Ujeeddada Isku-dhafka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista.

Natiijada laga filayo hirgelinta Qorshaha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fulinta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’adaha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadashada hoggaanka sare ee dowladda iyo xaqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joogto ah ugu xididada nidaamka dowladnimada.

 

Previous Post

Somalia Assumes Presidency of the UN Security Council for January 2026

Next Post

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Next Post
Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa...

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha...

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In