Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026, (Annual Overall Audit Plan – 2026). Qorshahan sanadlaha ah ayaa hagaya dhammaan hawlaha baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeexayaa habka fulinta baarista hantidhowr ee hay’adaha dowladda, jihada guud, mudnaanta, iyo baaxadda baarista, mashaariicda, iyo qaar ka mid ah nidaamyada tiknoolojiyadda ee ay dowladdu adeegsato.

Qorshuhu wuxuu ku saleysanyahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baarista mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka. Ujeeddada Isku-dhafka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista.

Natiijada laga filayo hirgelinta Qorshaha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fulinta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’adaha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadashada hoggaanka sare ee dowladda iyo xaqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joogto ah ugu xididada nidaamka dowladnimada.

Previous Post

Somalia Assumes Presidency of the UN Security Council for January 2026

Next Post

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Next Post
Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In