Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Madaxa Hey’ada Drs Xaawa Foundation iyo Agaasimaha guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ee dalka Hindia Afar haween Soomaaliyeed oo loo qaadi rabo dalka Hindia, si loo baro xirfadda lagu sameeyo leerarka cadceedda ku shaqeeya iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sida Hey’ada ka shaqeeysa horumarinta bulshada iyo Dowladda Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayen in dadka Soomaaliyed ee aan helin fursadaha wax barasho loogu sameyn lahaa xirfado ay ku shaqeeystan oo ay dalkooda iyo dadkooda ku horumariyaan.
Drs Deeqa Aadan Maxamed oo lahadashay Warbaahinta ayaa sharaxday sida lagu soo xulay haweenka dhawaan ay Wasaaradda u qaadi rabto dalka Hindia.
“Barnaamijkan aan bilaawnay waa wadankii ugu horeeya ee haween aan waligod waxbaranin loo qaado dalka dibada, iyagoo la baraayo xirfada sameeynta nalalka cadceedda ku shaqeeya, iyagoo 6 bilood kaddib marka ay dalkooda dib ugu soo laabtan ay wax u qaban doonan dalkooda” ayay tiri Drs Deeqa.
Agaasimaha Guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ayaa dhankiisa Tilmaamay tababarkan ku saabsan xirfada lagu sameeyo leerarka cadceeda ku shaqeya ay noqo neysa markii ugu horeysay ay ee Dowlada Hindia ay Tababr xirfadan la xariira ay u sameyso gabdho Soomaaliyeed.
“Dhamaan hambalyo ayaa dowlada Hindia ah uga wadaa dowladda Soomaaliya kolejka banderfood waxa uu tababar siiya haweenka kunool caalamka laakiin Tababarkan laxariira xirfadda leerarka cadceedda ku shaqeeya waa markii ugu horeysay ee uu Koleejka Banderfood uu xirfadan bixiyo, waxaana fursad u helay Haween Soomaaliyeed” ayuu yiri agaasimaha guud.
Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta xuquuda aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay ku hoolan tahay sidii loo horumarin lahaay xirfadaha Haweenka Soomaliyed, si haweenka xirfadaha la baro ay dalkooda waxtar ugu noqoto.
“Wasaaradda waxey qorsheyneysa sidii loo horumarin lahaa haweenka Soomaaliyeed, xirfadda ay ku shaqeystaana loo bari lahaa si tuulooyinka dalka ay u helaan iftiin, sidoo kale waxaa guul ah in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa wax soo saar leh, marka waxaan u mahad celi naaya dowlada Hindia iyo hey’ada Drs Xaawa Fondution”ayay tiri Sahro.