Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haween la barayo leerarka cadceedda ku shaqeeya oo loo qaadayo dalka Hindia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 11, 2015
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Madaxa Hey’ada Drs Xaawa Foundation iyo Agaasimaha guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ee dalka Hindia Afar haween Soomaaliyeed oo loo qaadi rabo dalka Hindia, si loo baro xirfadda lagu sameeyo leerarka cadceedda ku shaqeeya iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sida Hey’ada ka shaqeeysa horumarinta bulshada iyo Dowladda Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayen in dadka Soomaaliyed ee aan helin fursadaha wax barasho loogu sameyn lahaa xirfado ay ku shaqeeystan oo ay dalkooda iyo dadkooda ku horumariyaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Drs Deeqa Aadan Maxamed oo lahadashay Warbaahinta ayaa sharaxday sida lagu soo xulay  haweenka dhawaan ay Wasaaradda u qaadi rabto dalka Hindia.

“Barnaamijkan aan bilaawnay waa wadankii ugu horeeya ee haween aan waligod waxbaranin loo qaado dalka dibada, iyagoo la baraayo xirfada sameeynta nalalka cadceedda ku shaqeeya, iyagoo 6 bilood kaddib marka ay dalkooda dib ugu soo laabtan ay wax u qaban doonan dalkooda” ayay tiri Drs Deeqa.

Agaasimaha Guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ayaa dhankiisa Tilmaamay tababarkan ku saabsan xirfada lagu sameeyo leerarka cadceeda ku shaqeya ay noqo neysa markii ugu horeysay ay ee Dowlada Hindia ay Tababr xirfadan la xariira ay u sameyso gabdho Soomaaliyeed.

“Dhamaan hambalyo ayaa dowlada Hindia ah uga wadaa dowladda Soomaaliya kolejka banderfood waxa uu tababar siiya haweenka kunool caalamka laakiin Tababarkan laxariira xirfadda leerarka cadceedda ku shaqeeya waa markii ugu horeysay ee  uu Koleejka Banderfood uu xirfadan bixiyo, waxaana fursad u helay Haween Soomaaliyeed” ayuu yiri agaasimaha guud.

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta xuquuda aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay ku hoolan tahay sidii loo horumarin lahaay xirfadaha Haweenka Soomaliyed, si haweenka xirfadaha la baro ay dalkooda waxtar ugu noqoto.

“Wasaaradda waxey qorsheyneysa sidii loo horumarin lahaa haweenka Soomaaliyeed, xirfadda ay ku shaqeystaana loo bari lahaa si tuulooyinka dalka ay u helaan iftiin, sidoo kale waxaa guul ah in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa wax soo saar leh, marka waxaan u mahad celi naaya dowlada Hindia iyo hey’ada Drs Xaawa Fondution”ayay tiri Sahro.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Next Post
Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In