Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hawlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka billowday Galkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hawlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka billowday Galkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamo ka tirsan kuwa booliiska Galmudug iyo kuwa nabad sugida soomaaliyeed ee Nisa ayaa  howlga;lo looga gol lahaa xaqiijinta amaanka magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug maanta wax ay maanta si wadajir ah uga sameeyay qeybo ka mida ah magaalada

Howlgaladaan ayaa intii ay socdeen waxaa ciidamo ay baaritaano ku sameeynayeen gadiidka dadweynaha ee ka dhax shaqeeya gudaha magaalada galkacyo iyo kuwa gaarka loo leeyahay

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Mas’uuliyiinta gobalka Mudug iyo kuwa dagmada Galkacyo oo ay wehliyeen saraakiisha ciidanka nabad galyada ayaana si wadajir ah ula hadlay warfidiyeennada ayagaoona sharaxaad ka bixiyay howlgalkaan iyo waxa uu ku salka ku hayo.

Duqa dagmada Galkacyo ee Dowlada Galmudug Mudane Bile Diini Cali ayaa sheegay  in Ciidanka booliiska iyo kuwa nabad sugidda ay maanta bilaabeen howlgal balaaran oo lagu sugayo ammaanka magaalada Gaalkacyo  “waxaa go’ aanku yahay howlgalkii awal socon jiray mid ka baaxadweyn inaan sameeyno ka degmo ahaana waxaan
digniin udirayaa dadka gawaaridooda xiliyada habeenkiiya waddada hareeraheeda dhiganaya waxaana mar kowwad iyo marlabaadba digniin udiraynaa qofkii lagu arko in laga wareegayo gaarigiisa” ayuu yiri duqa degmada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo isna goobta ka hadlay ayaa digniin u diray cid walba oo isku dayda in ay khal khal galiso amaanka magaalada Galkacyo hadeey  ahaan lahaayeen kooxda ururka gumaadka soomaaliyeed ee UGUS iyo cid kalaba.

“Maalmahaan waxaa soo ifbaxayay dad doonaya in magaaladaan ay ka abuuraan khal khal siyaasadeed waxaan leenahay idinka gamban meyno indhahana aanan ka qarsaneyn halkaana looma ogala maadaam uu ka jiro
maamul dowladeed cid khal khal ka abuuri kartana waxaan filayaa ineeysan dhalan cidii dhalatana jawaabteeda ayeey naga heli doontaa waxaan uga digayaa kuwa nabad diidkaa ee UGUS iyo kuwa wada khal khalka siyaasadeed ee galmudug lagu carqaladeynayo” ayuu yiri taliyaha qeybta booliiska Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlada Galmudug Mudane Aweeys Cali Saciid ayaa ugu baaqay waxgaradka ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galkacyo ineey la shaqeeyaan ciidamada Amaanka si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaanada Galmudug.

vlcsnap-2015-08-17-15h53m05s136 vlcsnap-2015-08-17-15h53m15s46 vlcsnap-2015-08-17-15h53m28s174 vlcsnap-2015-08-17-15h53m39s10 vlcsnap-2015-08-17-15h53m48s133 vlcsnap-2015-08-17-15h54m34s76 vlcsnap-2015-08-17-15h55m17s217 vlcsnap-2015-08-17-15h55m41s229

Sawir Qaadistii Wariye C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo baaq u diray Dhallinyarada Aaminsan Fikirka Shabaab

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In