Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa Guddiga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wada tashi ah oo ku aadan qorshe howleedka geedi socodka Dib-u- eegista dastuurka la yeeshay Golaha fulinta iyo Sharci dejinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka koowaad waxaa lala yeeshay golaha fulinta waxaana ka soo qaybgalay Wasiiro iyo Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dastuurka, maaliyadda, Betroolka iyo Macdanta, Tamarta, iyo Wasaaradda Qorshaynta koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa furay sii hayaha madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Xassan Maxamed Xuseen β€œEelaay”, waxa uuna mahadcelin kadib ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adaha loo xisaaray dhamaytirka Dastuurka.

Dhanka kale, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee ay sida wada jirka ah u saxiixdeen Wassaaradda iyo Labada Guddi.

β€œWaxaan idinla wadaagaynaa tubta geedi socodka dib-u-eegista dastuurka si aad uga soo talo bixisaan haddii aad tihiin xukuumadda koonfur galbeed Soomaaliya, markii aan ka dhamaano la tashiyadan aan la leenahay dhammaan bulshada waxaan qaban donaa shirwayne qaran oo lagu daahfurayo Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb geli doonaan dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Daastuurka.

Dhanka kale, waxaaa kulanka labaad ay wasaaradda dastuurka iyo labada guddi ay la yeesheen guddiga la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan kulanakaas shir gudoomiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Aways Sheikh Xuseen.

Gudoomiye Ku xigeenka ayaa ka mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayaya wasiir ku xigeenka Dastuurka XFS, waxauuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ka shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay wasiir Ku xigeenka Dastuurka mudane Dr, xuseen Cabdi Cilmi oo sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda iyo Baarlamaanka KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

β€œWaxaa tihiin Gollihii sharci dejinta koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana idin saaran waajibaad wayn oo ah in aad ummadda u samaysaan sharciyo haga oo nidaamiya noloshooda, sharciga ugu wayn waa Dastuurka, dastuurka ayay ka hoos dhashaan sharciyada kale, sidaa darteed arrinta aan idin kugu nimid waa in aad ka soo talo bixisaan Tubta geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee aan idinla wadaagnay” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.

Gabagabadii, waxaa talooyin muhiim ah soo jeediayay wasiiradii iyo Xildhibaanadii ka qayb galay kulanka, waxa ayna sheegeen in ay door muuqda ka ciyaari doonaan Dib-u-Eegista Dastuurka.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliya

Next Post

Shirkii Madaxda Jaamacada Carabta oo lasoo Gabagabeeyey iyo War-murtiyeed laga soo saaray

Next Post
Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Magaalada Dammaam ee Baqortooyada Sacuudiga

Shirkii Madaxda Jaamacada Carabta oo lasoo Gabagabeeyey iyo War-murtiyeed laga soo saaray

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In