Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Samafalka: $710 milyan ayaa loo baahanyahay si sara loogu qaado howlaha gurmadka.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha Samafalka: $710 milyan ayaa loo baahanyahay si sara loogu qaado howlaha gurmadka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay Qorshaha Gurmadka Abaaraha waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo dhaqaale aan soo daahin si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto.

Qorshuhu wuxuu dalbaday adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Diseembar ee sannadkan.

Xilli-roobaadkii Gu-ga (Abr-Jun) guud ahaan wadanka ugama di’in si wanaagsan, arrintan oo ka dhigan xilli-roobaadkii labaad ee aan wanaagsanayn ayada oo weliba Soomaaliya ay ku jirtay marxalad ay kasoo kabaneysay abaarihii 2016-17. Marka laga reebo Gu-gii 2018, xilli-roobaad walba wuxuu ahaa mid celcelis ahaan ka hooseeya intii la heli jiray ilaa 2015, roob yaridaas oo sababtay in dadku ay kasoo kaban waayaan dhibaatooyinkii gaaray.

Related posts

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026

Roobka Gu-ga ee 2019 wuxuu noqday kii sadexaad ee ugu liitay taariikhda Soomaalida ilaa iyo horaantii sideetanaadkii, arrintan waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelatay dalagga beeraha iyo taranka xoolaha.

Tirada dadka ku sugan xaaladaha degdegga ah ee cuntayarida waxaa laga cabsi qabaa iney gaaraan 2.2 milyan bisha Luulyo.

Tiradan waxay boqolkiiba 40 ka sarreysaa halkii ay joogtay bishii Janaayo ee sannadkan,Nafaqadarrada, cudurro ka dhashay abaaraha iyo barakac ayaa cirka isku sii shareeraya.

“Xaaladda abaarta ee Soomaaliya waa mid kasii dareysa waxayna u muuqataa iney kasoo hormartay waqtiyadii la arki jiray marka dib loo eego tobankii sannadood ee lasoo dhaafay.

Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad adag,haddii la helo dhaqaale ku filan waxaa dib loo howl gelin karaa farsamooyinkii looga hortegay macluushii 2017,” ayuu yiri George Conway, ku simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

“Annagoo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneyna sidii loo dhisi lahaa adkeysiga dadka si loola tacaalo waxyaabaha sababa mashaqooyinkan soo laalaabtay, ayaa hadana waxaa loo baahanyahay in cid waliba, oo ay ku jiraan deeq bixiyeyaasha, ganacsatada, Soomaalida gudaha ku nool iyo qurbo-joogtaba ay qayb ka qaataan dadaallada gargaarka,” ayuu raaciyay

Saameynta abaaruhu waxay qatar gelinayaan guulihii la gaaray sannadkii 2018. In sara loo qaado howlaha gargaarka ayaa loo baahanyahay si loo yareeyo saameynta abaaraha, waxaa kale oo aan laga maarmin in gargaarka bini’aadamnimada lagu kabo mashaariicda horumarinta ayadoo lagu shaqeynayo Hanaanka Kasoo-kabashada Nugeylka ee ay Dowladda Soomaaliya hoggaamiso si Soomaalidu awood ugu yeelato iney duruufahan oo kale iska xajiso mustaqbalka.Dhaqaalo yari ayaa xadideysa awoodda hay’adaha samafalka ee ka jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Howlo gargaar oo muhiim oo ay ka mid yihiin qaybaha biyaha, caafimaadka, nafaqada iyo caawinaadda dhanka cuntada ah ee ka socday dhulka ay abaaraha ku dhufteen qaarkiis ayaa hoos usii dhacaya.

Magaalooyinkana waxaa soo gelaya barakacayaal cusub. Qorshaha Ka- falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada-HRP- ee 2019, oo dalbaday adduun dhan $1.08 bilyan, ilaa hadda wuxuu heley boqolkiiba 20 kaliya ayadoo
weliba baahiyuhu ay sii kordhayaan.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS”Maalinta bari ah 27-ka Maajo, 2019 waxaa si rasmi ah u bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare+sawirro

Next Post

Hay”adda Qatar Charity oo mashaariic gar gaar iyo kuwo horumarineed ka fulisay Soomaaliya+sawirro

Next Post
Hay”adda Qatar Charity oo mashaariic gar gaar iyo kuwo horumarineed ka fulisay Soomaaliya+sawirro

Hay"adda Qatar Charity oo mashaariic gar gaar iyo kuwo horumarineed ka fulisay Soomaaliya+sawirro

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In